Home » Ciyaaraha » EURO 2016: Slovakia Oo Tustay England Sida Shaqada Loo Qabto Iyadoo Guuldarro Dhabarka U Saartay Xulka Russia

EURO 2016: Slovakia Oo Tustay England Sida Shaqada Loo Qabto Iyadoo Guuldarro Dhabarka U Saartay Xulka Russia
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 5:01 PM

Xulka Slovakia ayaa afka ciidda u daray xulka Russia ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Stade Pierre-Mauroy kana tirsaneyd Group B tartanka Euro 2016.

Vladimir Weiss ayaa hogaanka u dhiibay xulka Slovakia daqiiqadii 32aad ee ciyaarta, waxaana hogaanka usii dheereeyey xiddigooda qadka dhexe Marek Hamsik daqiiqadii 45aad ee ciyaarta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay barbardhac 1-1 ah, iyadoo Russia ay bedello sameysay bilowgii qeybtii labaad si ay dib ugu soo kabsato goolashii laga dhaliyey qeybtii hore.

Denis Glushakov ayaa hal gool usoo celiyey Russia daqiiqadii 80aad ee ciyaarta, balse goolkaasi kuma uusan filnaan xulkiisa oo la kulmay guuldarro xanuun badan, iyagoo haatan hal dhibic leh ugu hooseeya Group B.

Wales iyo England ayaa foodda isdari doona Khamiista waana kulanka ugu muhiimsan safkaan.