Home » Ciyaaraha » Everton oo diyaar u ah in ee soo xiro giliso wiilka rer Holland Georginio Wijnaldum

Everton oo diyaar u ah in ee soo xiro giliso wiilka rer Holland Georginio Wijnaldum
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:26 AM

Gooldhaliye boos dhexaad ah oo ka tirsan kooxda Magpies ayaa aad loola xiriirinayaa in uu ku biiro kooxda Everton, keddib marka uu furmo Suuqa kala iibsiga.

Macalinka Cusub ee Everton Ronald Koeman ayaa waxaa uu doortay Georginio Wijnaldum kadib markii Newcastle ay sheegtay in laacibka lagu iibsan karo £25million baqdin dhanka qiimaha ah ayaa soo muuqatay.

Koeman ayaa doonaya in uu wiilkan reer Holland ku biiriyo kooxda uu hadda hoggaanka u yahay, xataa markii uu hayay xukunka Southampton, aad ayuu ula dhacsanaa laacibkan ku biiray St James’ Park sanad ka hor.

 Wiljnaldum, Waa 25-jir, waxay kooxdiisu kusoo iibsatay lacag dhan £14.5million markii ay kasoo qaadaneysay kooxda Rer Holland  PSV Eindhoven xagaagii hore, 11 ayuu ka dhaliyay Premier League, dhammaantoodna waxay ahaayeen kuwo uu ku dhaliyay garoonka kooxdiisa.