Home » Ciyaaraha » Everton oo soo bandhigtay qiimaha ay ku fasixi karto Lukaku

Everton oo soo bandhigtay qiimaha ay ku fasixi karto Lukaku
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 11:32 AM

Kooxda Kubada Cagta Everton ayaa xaqiijisay qiimaha ay ku fasixi doonto Weeriryahankeeda Romelu Lukaku.

Kooxda Ciyaarta tartanka Premier League ee Toffees ayaa ka wal walsan xaalada kalyantigeeda Lukaku, kaasi oo lala xiriirinaayo qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub, hase ahaatee sheegtay inay ku bixin doonto qiimo sare.

Kooxda Lagu naaneeso Blues ee Everton ayaa sheegtay in qiimo dhan € 80-million wax ka yar aanu ku iibin doonin xidigooda Romelu Lukaku, kaasi oo mar kale lala xiriirinaayo in uu dib ugu laaban doono garoonka Stamford Bridge ee galbeedka Magaalada London.

xidiga heerka Caalami ee Wadanka Belgium Romelu Lukaku ayaa hada gudanaya Waajibaadka Xulkiisa kaasi oo xagaagan kala qayb galaaya tartanka Euro 2016-ka, walow kulankii furitaanka ay qasaaro 2-0 ay kala kulmeen xidigaha Xulka Azzurri.