Home » Ciyaaraha » Falaanqeynta Kulanka Belgium Vs Sweden, Xulka Rode Duivels Oo Caawa Cimri Gaabad Ku Ridi Kara Waayaha Ciyaareed Ee Zlatan Ibrahimovic Ee Xulka Sweden

Falaanqeynta Kulanka Belgium Vs Sweden, Xulka Rode Duivels Oo Caawa Cimri Gaabad Ku Ridi Kara Waayaha Ciyaareed Ee Zlatan Ibrahimovic Ee Xulka Sweden
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 7:59 AM

Belgium ayaa caawa la ciyaaraya xulka Sweden waxayna raadinayaan guul ay gaaraan si ay ugu dhameystaan kaalinta labaad ee guruubkooda kadib guushii weyned ee ay ka gaareen xulka Ireland.

Kulanka: Sweden Vs Belgium

Garoonka:Allianz Riviera

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Wararka Labada Xul:

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha isaga fariisan doono kadib tartanka Euro 2016 wuxuuna raadinayaa inuusan ku fariisan guuldaro marka ay caawa qaabilaan Belgium.

Ibrahimovic, wuxuu u dhaliyay wadankiisa Sweden 62 gool kadib 115 kulan uu u saftay Sweden wuxuuna raadin doonaa in waayihiisa qaranka uu intaas ka dheereeyo taasoo la macno ah inuu u raadin dooni xulkiisa sidii ay u gaari lahaayeen wareega xiga ee tartankaan taasoo ku xiran iney guul ka gaaraan kooxda macalin Marc Wilmots kulanka ugu danbeeyay ee Group E.

Dhanka Belgians ka, waxay u baahan yihiin guul si ay u xaqjiiyaan booskooda labaad ee guruubkaan ama xitaa barbaro ayaa ugu filnaan karta iney soo baxaan hadii ay Ireland guuldaro kala kulanto Italy, waxayna ku qasban yihiin si kastaba iney natiijo wanaagsan ka helaan xulka macalin Erik Hamren.

 

Xidiga khadka dhexe Tottenham Mousa Dembele iyo saaxiibkiisa Yannick Ferreira Carrasco ayaa labadaba shaki laga muujinayaa taam ahaanshooda kulankaan sidoo kale Wilmots ayaa ka war qaba in Thomas Vermaelen iyo Jan Vertonghen ay kaliya hal kaar u jiraan iney ganaax ku seegaan hal kulan.

Waxaan guul aheyn Sweden waxaa laga ciribtiri doonaa tartanka, sidaasi darteed Hamren ayaa soo xulan doona kooxdiisa ugu adag waxaana la filayaa John Guidetti inuu weerarka kula bilowdo Ibrahimovic.

Erik Johansson ayaa dagaal ugu jira inuu booska kala baxo Mikael Lustig kaasoo xanuun ka dareemaya seedka lugta.

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Sweden iyo Belgium ayaa hore u kulmay 14 jeer, Sweden ayaa adkaatay shan jeer halka Belgium ay adkaatay.

Labadaan koox ayaa kaliya hal jeer ku kulmay tartan weyn, waxayna labada koox ku kulmeen kulankii furitaanka ee Euro 2000. Belgium, oo markaasi martigelinayay ayaana ku adkaaday 2-1 kadib labo gool oo ka yimid Bart Goor iyo Emile Mpenza.

Lukaku ayaa dhaliyay lix gool lixdiisii kulan ee ugu danbeeyay ee uu u ciyaaray xulka Belgium.

Ibrahimovic ayaana ilaa haatan wax shuud ah ku ridan goolhayeyaasha kooxaha kasoo horjeeda ilaa haatan tartanka Euro 2016.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul:

Sweden: Isaksson; Lindelof, Johansson, Granqvist, Olsson; Larsson, Ekdal, Kallstrom, Forsberg; Guidetti, Ibrahimović

Belgium: : Courtois; Meunier, Alderweireld, Vermaelen, Vertonghen; Witsel, Dembélé; Hazard, De Bruyne, Carrasco; Lukaku.