Home » Ciyaaraha » Falaanqeynta Kulanka Icelnad Vs Hungry, Xulka Bariga Yurub Ka Yimid Oo Caawa Si Taariikhi Ah Isaga Xaadirin Kara Wareega 16 Ka

Falaanqeynta Kulanka Icelnad Vs Hungry, Xulka Bariga Yurub Ka Yimid Oo Caawa Si Taariikhi Ah Isaga Xaadirin Kara Wareega 16 Ka
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 8:07 AM

Hungury ayaa shaqo layaab leh soo qabatay iyadoo soo garaacday xulka Austria halka Iceland ay barbaro lasoo gashay hogaamiyeyaasha guruubkaan ee Portugal laakin caawa iyagaa fooda is dari doona.

Kulanka: Hungry Vs Iceland

Garoonka:Stade Velodrome

Saacada Geeska Afrika: 7:00 Fiidnimo

Falaanqeynta Kulanka Iyo Wararka Labada Koox:

Hungry ayaa heysata fursad dahabi ah iyagoo xaqiiqsan kara u soo bixitaankooda tartanka Euro wareegiisa 16 ka hadii ay caawa kasoo adkaadaan xulka yar ee xamaasada leh ee Iceland oo barbaro lasoo galay xulka Portugal oo hogaaminayay guruubkaan.

Iceland ayaa shaqo fiican soo qabatay waxayna joojiyeen xulkii la aaminsanaa inuu sahalka kaga tilaabsan doono ee Portugal oo ku hubeysna ciyaartooy uu kamid yahay Cristiano Ronaldo.

Ma jirto dhibaato dhaawac oo heysata labada xul midkood laakin Gergo Lovrencsics ayaa ah walwalka kaliya ee xulka Iceland kaasoo jilbka xanuun ka dareemayay halka daafca midig ee Attila Fiola ay qiimeyn doonaa dhaqaatiirka Hungarian

 

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada XUl:

Iceland: Halldorsson; Sævarsson, R Sigurdsson, Árnason, Skúlason; Gudmundsson, G Sigurdsson, Gunnarsson, Bjarnason; Sigthórsson, Bödvarsson.

Waxaa hal kaar u jira ganaax Bjarnason, Finnbogason

Hungary: Király; Lovrencsics, Guzmics, Lang, Kádár; Gera; Németh, Nagy, Kleinheisler, Dzsudzsák; Szalai.
maqan: Fiola (dhaawac)
Waxaa hal kaar u jira ganaaxNémeth