Home » Ciyaaraha » Falanqeynta Kulanka adag ee labada dalka France Vs Albania

Falanqeynta Kulanka adag ee labada dalka France Vs Albania
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 7:46 AM

France ayaa kulankeeda labaad ee Group A la ciyaari doonta xulka ALbania iyagoo maanka ku haya iney wax ka badalaan qaab ciyaareedkii liiitay ee ay soo bandhigeen kulankii hore si ay u heystaan saameynta ah iney yihiin xulka ugu cadcad koobka.

Kulanka: France Vs Albania

Garoonka:

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Falaanqeynta Kulanka

Albania ayaa guuldaro kala soo kulantay Swiss halka France ay wadato sadex dhibcood kadib guul ay ka gaareen kooxda xulka Romania, guul ay gaaraan kooxda martigalineysa koobka ayaana u sahli karta iney kasoo baxaan guruubkooda inkastoo uu wali kulan u dhiman yahay

 

Wararka Labada XUl:

France ayaana wax isbadal ah ku sameyn doonin shaxdii garaacday Romania inkasto ay albaabka soo garaacayaan Moussa Sissoko iyo Anthony Martial iyadoo Matuid, Pogba iyo Greizmann aysan soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanco kulankii hore.

Albania ayaa weyn doonta kabtan Lorik Cana oo casaan qaatay kulankii furitaanka ee ay la ciyaareen Switzerland waxayna taasi la macno tahay in midkood Arlind Ajeti ama Frederic Veseli loogu yeeri doono waajibaadka daafac.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

France ayaa adkaatay afar kamid ah lix kulan oo ay la ciyaartay Albania laakin waxay ku guuldareysteen iney guul ka gaaraan labadii kulan ee u danbeysa (Barbaro1 Guuldaro1).

Albania ayaana waligood ka dhalin France wax ka badan hal gool (kaliya sadex gool ayeey ka dhileeyn lix kulan oo ay ka horyimaadeen).

Albania waligood kuma garaacin Les Bleus dalka France, iyagoo soo gudoomay sagaal gool sadex jeer oo ay booqdeen (Barbaro1 Guuldaro2).

France ayaa hore labo jeer ugu ciyaartay Stade Velodrome twice tartankaEuropean Championships, guuldaro ayeey kala kulmeen Czechoslovakia sanadii 1960 (0-2) laakin waxay garaaceen Portugal sanadii 1984 (3-2). labadii kulanba waxaa laga dhaliyay min labo gool.

Shaxha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

France (4-3-3 ): Lloris; Sagna, Rami, Koscielny, Evra; Pogba, Kanté, Matuidi; Griezmann, Giroud, Payet
Albania (4-3-3 ): Berisha; Hysaj, Lila, Mavraj, Agolli; Abrashi, Kukeli, Xhaka; Roshi, Sadiku, Lenjani