Home » Ciyaaraha » Fallanqeynta Kulanka Xamaasadda Leh Ee Caawa Group 2aad Tartanka Euro 2016 Ku Dhexmari Doona Xulalka Russia Iyo Wales

Fallanqeynta Kulanka Xamaasadda Leh Ee Caawa Group 2aad Tartanka Euro 2016 Ku Dhexmari Doona Xulalka Russia Iyo Wales
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-06-16 10:56 AM

Xulka Wales ayaa foodda daraya xulka Russia ciyaar caawa oo Isniin ah ka dhici doonta garoonka Stadium de Municipal ee magaalada Toulouse, iyadoo labadaan xul ay ku dagaalamayaan kaalinta labaad ee Group B taasoo ka caawin karta inay si toos ah ugu soo baxaan wareega 16ka kooxood ee tartankaan Euro 2016.

  • Xulalka : Russia vs. Wales
  • Saacadda: 10pm (XGA)
  • Garoonka: Stadium de Municipal – Toulouse
  • Ciyaaraha Wareega 3aad Group B – Euro 2016

Russia ayaa ah xulka keliya ee ku jira safkaan ee aan weli guul gaarin, ciyaartoodii furitaanka waxay barbardhac la galeen xulka England ka hor inta aysan guuldarro 2-1 ah kala kulmin xulka Slovakia Arbacadii.

Russia ayaa haatan u baahan inay guul ka gaarto xulka Wales, isla markaana ay rajeyso inay xulka Slovakia guuldarro kala kulmaan xulka England ciyaartooda ugu dambeysa ee Group B taasoo ka caawin doonta inay si toos ah ugu soo baxaan wareega 16ka tartankaan.

Dhanka kale, xulka Wales oo guuldarro 2-1 ah kala kulmay xulka England ciyaartii Khamiistii ku dhexmartay garoonka Stade de Bollaert ayaa si aad ah u niyadjabsan ka hor kulankaan marka loo fiirsho qaab ciyaareedkoodii ugu dambeeyey.

Gareth Bale ayaa kulankaas Wales hogaanka u dhiibay daqiiqadoo 42aad, laakiin wax kasta waxay isbedeleen qeybtii labaad Jamie Vardy oo ciyaarta bedel kusoo galay ayaa goolka barbardhaca xilli dambe u dhaliyey xulka England ka hor inta uusan goolka guusha u dhaliyey Daniel Sturridge waqtigii dhimashada ee kulankaas.

Wales ayaa rajeyneysa inay garaacdo xulka Russia isla markaana ay ku dhammeystaan kaalinta labaad ee Group B taasoo ka caawin doonta inay markoodii ugu horreysay abid usoo baxaan wareega bugbaxda tartankaan lagu martigelinayo dalka Faransiiska.

  • MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Xulka Wales ayaa dhaawac kubka ah ku lumiyey Joe Ledley bartamihii qeybtii labaad kulankii ay wajaheen xulka England, laakiin xiddiga qadka dhexe ee kooxda Crystal Palace oo jab lugta ah kasoo laabtay Isbuucii lasoo dhaafay ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro kulanka ay wajahayaan xulka Russia.

Wararka ayaa soo jeedinaya inuu tababare Chris Coleman garoonka kusoo geli doono isla shaxdii uu kala hortegay xulka England.

Dhanka kale, dhaawacyo ayaa weli sii hareynaya xulka Russia, iyadoo xiddiga kooxda Zenit St Petersburg Oleg Shatov uu la dhibtoonayo dhaawac gumaarka ah. Uma badna inuu xiddigaan garabka ka ciyaara diyaar u noqdo kulankaan, xiddiga qadka dhexe ee kooxda Krasnodar Pavel Mamayev ayaana la filayaa inuu kusoo bilowdo kulankaan.

  • MA OGTAHAY?

Russia ayaan wax guuldarro ah la kulmin afar kulan oo ay foodda dareen xulka Wales, iyagoo badiyey seddax ka mid ah ciyaarahaas, kulanka kale ayaana barbardhac ku dhammaaday.

Labadaan xul ayaa markoodii ugu horreysay foodda isku daray ciyaar bugbax ah oo loogu soo baxayey ciyaaraha kama dambeysta ee tartankii Euro 2004, xulka Russia ayaana tartanka ka reebay xulka Wales ka dib markii ay barbardhac goolal la’aan ah ku galeen Moscow ka hor inta aysan guul gaarin kulankii lugtii labaad ee ku dhexmaray caasimadda Cardiff ee gobolka Wales.

Markale labadaan xul ayaa isku arkay isreebreebkii Koobkii Adduunka 2010kii, Russia ayaana markale badisay labadaas kulan, ciyaartii ka dhacday Moscow ayey guul 2-1 ah gaareen ka hor inta aysan 3-1 ku badin kulankii lugtii labaad ee ka dhacay Cardiff.

Waxaana xusid mudan inuu xulka Russia seddax guul oo xiriir ah ka gaaran xulka Wales seddaxdoodii kulan ee ugu dambeeyey.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA XUL:

Russia (4-2-3-1): Akinfeev – Smolnikov, Berezutski , Ignashevich, Schennikov – Golovin, Neustadter – Kokorin, Mamayev, Smolov – Dzyuba.

Wales (3-4-3): Hennessey – Chester, Williams, Davies – Gunter, Ledley, Allen, Taylor – Ramsey, Robson-Kanu, Bale.