Home » Ciyaaraha » France 2-0 Albania: Goolal Soo Daahay Ay Dhaliyeen Griezmann & Payet Oo Les Bleus U Soo Saaray Wareega 16ka Euro 2016.

France 2-0 Albania: Goolal Soo Daahay Ay Dhaliyeen Griezmann & Payet Oo Les Bleus U Soo Saaray Wareega 16ka Euro 2016.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 15-06-16 9:10 PM

 

Xulka France ayaa xaqiijistay inay u soo gudbeen wareega 16ka kooxood ee Euro 2016 ka dib markii ay gaareen guushoodii labaad ee Group A iyagoo 1-0 kaga badiyay xulka Albania, waxaana ay uga mahadcelinayaan gool waqtiga dhimashada uu u dhaliyay Antonie Griezmann oo ciyaarta bedel ku soo galay.

Tababare Didier Deschamps ayaa wax ka bedelay shaxdiisa isagoo kursiga keydka u dhaadhiciyay Pual Pogba iyo Antonie Griezmann isagoo ka doorbiday inuu ku soo bilaabo Anthony Martial iyo Coman.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaase aheyd mid niyadjab ah iyadoo aysan labada kooxood helin fursado gool loo filan karo waxaana ay noqotay markii ugu horeysay tartamada Yurub ee qeybta hore ee ciyaarta aan la helin darbo goolka ku bartilmaameedsan tan iyo 2008.

2016-Group-A

Dhanka xulka Albania waxa ay u aheyd qaab ciyaareed fiican iyagoo si fiican kubada u difaacday islamarkaana jahwareeriyay xiddigaha France, halka Faransiisku uu qeybtii hore uu kaliya ka dhex muuqday Dimitri Payet, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Tababare Deschamps ayaana qeybtii labaad ku soo bilaabay Paul Pogba isagoo bedelay Anthony Martial oo ku fashilmay qeybtii hore inuu wax saameyn ah yeesho. Laakiin xulka Albania ayaa fursad dahabi ah helay daqiiqadii 52aad waxaana ay ku dhawaadeen inay hogaanka qabtaan.

France-v-Albania-Euro-2016-Group-A

Kubad ay Albania soo dhex dhigtay xerada goolka ay dhibaato ku noqotay daafacyada France, waxaana ay kubada ku dhacday Sagna ka hor inta aysan birta soo celinin, xiddig Albania ah oo damcay inuu raaciyo ayaa si saani ah madax la gaari waayay.

Labo daqiiqo ka dib France ayaa heshay fursadoodii ugu fiicneyd kubad karoos ah uu soo dhigay Payet ayaa waxaa goolka meel u dhow ku helay Pogba kaasoo darbadiisa ay si ciriiri ah ku kor martay goolka.

9R8ktdQwR0WnFDNtCCyn_GettyImages-540446780

Daqiiqadii 68aad Giroud ayaa helay kubad kale oo madax ah ka dib karoos fiican uu soo dhigay Coman laakiin markii seddexaad ee ciyaarta gudaheeda wuu qasaariyay. Daqiiqadii ku xigtay waxa uu karoos ka helay Evra markaan wuu u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto laakiin kubadiisa madaxa waxaa soo celisay birta.

Giroud ayaana la bedelay ciyaarta markii ay ka harsaneyd 15 daqiiqo isagoo oorin iyo sacab isku jira ku baxay laakiin garoonka ayaa hal mar isla guuxay markii André-Pierre Gignac oo ahaa bedelkiisa uu garoonka soo galay Gignac oo caan ka ah garoonka lagu ciyaarayay iyo Marseille ayaaana soo dhaweyn weyn helay inkastoo uu haatan ka ciyaaro horyaalka Mexico.

France-v-Albania-Euro-2016-Group-A

Gignac ayaana durbadiiba saameyn yeeshay isagoo kubad u soo qaaday Payet kaasoo xerada goolka dhexdeeda ku wareeriyay seddex nin ka hor inta uusan karoo soo dhigin, Albania ayaa madax isaga bixisay laakiin waxaa darbo la helay Sagna oo kubada dulmariyay goolka.

France ayaa cadaadis xoogan saareysay Albania iyagoo weeraro isdaba joog ah ku qaadayay si ay shabaqa u soo taabtaan laakiin kubad uu madaxa la waayay Koscielny iyo darbo uu Kante ku sigay goolka, ciyaarta waxa ay aheyd mid aan natiijadeeda waxba iska bedelin.

ClBTC90WIAEW_Kb

DAQIIQADII 90aad GOOOL!!!! Mar kale France waxaa badbaadiyay gool waqtiga dhimashada ah markii karoos uu soo qaaday uu madaxa ku dhaliyay Antonie Griezmann oo bedel ku soo galay ciyaarta, taasoo France guusha ku saaciday.

Tababare Deschamps ayaana ka qoomameyn doona go’aankiisa uu keyd ku geliyay Pogba iyo Griezmann kuwaasoo France dhulka ka soo qaaday markii ay soo galeen qeybta labaad ee ciyaarta.

France-v-Albania-Euro-2016-Group-A

DAQIIQADII 90+5 GOOOL!!!! Dimitri Payet ayaa noqday mar kale geesiga ciyaarta isagoo guusha u xaqiijiyay xulka France mar kale ka dib markii uu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 5aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray. Waxa uu si wacan ku soo galay xerada goolka isagoo labo daafac dhan isaga jeediyay ka hor inta uusan shabaqa cusjinin kubada.

France ayaa iska xaadirisay wareega 16ka ee Euro 2016 iyagoo lix dhibcood ku hogaaminaya Group A, waxaa ku soo xigta oo 4 dhibcood leh Switzerland halka Romania ay leedahay hal dhibic. Albania inkastoo laga badiyay labadii kulan ee ay ciyareen hadana rajo yar ayay leeyihiin oo ah inay ku soo baxaan kaalinta 3aad ee ugu fiican haddii ay guul weyn ka gaaraan Romania.