Home » Ciyaaraha » French Open 2016: Garbine Muguruza oo qaaday markii dhulka la sintey Serena Williams +DAAWO

French Open 2016: Garbine Muguruza oo qaaday markii dhulka la sintey Serena Williams +DAAWO
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:30 AM

Gabadha dalka Spain Garbine Muguruza ayaa si fiican uga talaabsatey gabadha koowaad Tenniska caalamka Serena Williams Finalkii Paris Open sidaana ku qaaday markii ugu horeeysay Horyaalnimada Grand Slam.

Ciyaaryahanadan Kursiga Afaraad kaga jirta Liiska Caalamka ee Muguruza ayaa ku garaacdey Williams oo beryahan calamka iska heysatay Sed dhan 7-5 6-4 waxaana ay ka aarsatey guul daradii Wimbledon final ee ka qaaday Williams sanadkii hore.

22-ayaa noqotay gabadhii ugu horeeysay ee u dhalatay dalka Spain ee qaada Roland Garros tan iyo Arantxa Sanchez-Vicario sanadkii 1998.

Williams, 34,sano jir ah ayaa raadineeysay markii 22nd Koobka Grand Slam ee keli kelida iyadoo ku hungoowdey iney gaarto record-hore u dhigey Tennis-yahankii caanka ahaa Steffi Graft.

234567891011