Home » Ciyaaraha » Gareth Bale” Gabadheyda yar ayaaba iiga Farxad badnayd Guusha Taariikhiga ah ee aan gaarnay+Sawiro

Gareth Bale” Gabadheyda yar ayaaba iiga Farxad badnayd Guusha Taariikhiga ah ee aan gaarnay+Sawiro
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:21 AM

Xidiga Xulka dalka Wales ee Gareth Bale ayaa sheegay in uu aad ula yaabay qaabkii ay gabadhiisa yari ugu faraxday Guushii Taariikhiga ahayd ee ay ka gaareen Koobka yurub 2016 Waxa ayna u soo baxeen wareega 8 dhamaadka ee koobkaas.

Gareth Bale iyo dalkiisa Wales oo Taariikhda Markoodii koowaad dheelaya koobka yurub ayaa u soo baxay wareega Sideeda ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen dalka Northern Ireland Waxaana Wales oo koob ka Gaarta halkaan oo kale ugu dambeysey koobkii aduunka 1958 dii oo lagu reebay Wareega 8 da.

Bale ayaa sheegay in gabdhiisa 3 Sano Jirka ah ee Alba Violet,ay aad ugu faraxday Guusha weyn ee aan gaarnay waxaanan doonayaa ayuu yiri in Farxada gabadheyda aan qasaarin oo aan Markasta sidaan oo kale uga Farxiyo Kulamada soo socda ee aan dheeli doono.

1 2 3 4