Home » Ciyaaraha » Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka England iyo Ruushka oo la soo saaray

Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka England iyo Ruushka oo la soo saaray
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 7:20 PM

Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ayaa soo Saaray Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka koobka yurub ee ay dheeli doonaan Wadamada kala ah England iyo Ruushka kaas oo dhici doona 11 ka bishaan aan haatan ku guda jirno .

Kulankaan ayaa Waxaa dhex dhexaadin doona Garsooraha lagu Magacaabo Nicola Rizzoli kaas oo ah Garsoorihii dhex dhexaadiyey Finalkii koobka Aduunka ee Sanadkii 2014 tii ay dheeleen Wadamada kala ah Jarmalka iyo Argentina.

Nicola Rizzoli ayaa ah Garsoore Caalami ah oo u dhashay dalka Talyaaniga waana 44 Sano Jir horay u dhex dhexaadiyey kulankii koobka yurub ee 2012 kii dhex maray Wdaamada kala ah England iyo France,