Home » Ciyaaraha » Germany oo guul raaxo ka gaartay dhigeeda Ukraine kulankii furitaanka wareega group C

Germany oo guul raaxo ka gaartay dhigeeda Ukraine kulankii furitaanka wareega group C
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 9:07 AM

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Schweinsteiger iyo Mustafi ayaa ka saaciday Jarmalka iney guul gaaraan guushii ugu weyneed tartanka Euro 2016 madama ay noqdeen xulkii ugu horeeyay ee ku badiya farqi laba gool ah.
Draxler ayaaa sameeyay isku day fiican oo uu gool ugu raadiyay xulkiisa Jarmalka waqtigii ugu horeeyay ciyaarta, kubad volley aheyd ayuu isku dayay laakiin ma noqon mid qalqal galisa goolka Ukraine, geesta ayey martay daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.

Konoplyanka ayaa isku sameeyay isku daygii ugu qatarta badnaa ciyaarta markii uu albaabka goolka Germany ka helay kubad si qurux badan loosoo habeeyay, kubad awood leh ayuu goolka aadiyay balse Manuel Neuer ayaa si cajiib badan uga badbaadiyay.

Draxler ayaa mar kale u fududeeyay saaxiibkiis Muller inuu kubad ku dhex helo xerada ganaaxa Ukraine markii uu madaxa ugu baasay, balse islaabkii uu sameeyay Muller wuu ka dhicisoobay.

GERMANY 1 – 0 UKRAINE

Mustafi ayaa madax hogaanka ugu dhiibay xulka Jarmalka kuwaas oo ah xulka difaacanaya koobka Aduunka, xidiga Valencia daafaca kaga ciyaara wuxuu dhameystiray kubad uu dhinaca kasoo qaaday Toni Kroos.

Kabtan Manuel Neuer ayaa si cajiib badan u badbaadiyay mar kale kubad lama filaan ah oo uu madaxeeyay daafaca xulka Ukraine Khacheridi, (Alla Muxuu goolhaye yahay).
Sami Khedira ayaa u dhawaaday inuu hogaanka ugu dheereeyo xulka Jarmalka markii uu caawinaad meel dheer ah ka helay Toni Kroos, balse kubadii uu damcay inuu goolhayaha ka dulbootiyo lagama yeelin goolhaye Pyatov ayaana ka diiday daqiiqadii 30-aad.
Jerome Boateng ayaa noqday badbaadiye wanaagsan markii uu xariiqda kasoo bixiyay kubad ku dhawaatay iney shabaqa taabato, (Daafaca Bayern Munich) wuxuu muujiyay inuu yahay hogaamiyaha daafaca xulkiisa daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.

Qeybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay ku hogaamineyso xulka Jarmalka waxeyna goolkaas kaga mahad celinayaan Mustafi oo ah daafac badal u noqday Mats Hummels.

Qeybtii dambe ayaa la isku yimid iyadoo labada xul aysan sameyn wax isbadal ah, Jarmalka ayaana sidii caadada aheyd durba la wareegay hogaanka ciyaarta.

Goolhaye Pyatov ayaa laba jeer ka badbaadiyay Ukraine in laga dhaliyo laba gool madamada ay kubado xoog leh la eegteen goolka Sami Khedira iyo Thomas Muller.

Jarmalka cadaadis badan ayey saareen dhigooda Ukraine, inkastoo wiilasha markii labaad koobka ka qeyb galaya ee Ukraine ay qudhooda sameynayeen waxyaabo firfircooni ah.

Mario Goetze ayaa si luudsi ah u galay xerada ganaaxa Ukraine, ka hor inta uusan si daciif ah kubad goosha ula eegan, goolhaye Pyatov ayaana si tartiib ah u qabsaday.

Thomas Muller ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Jarmalka markii uu kubad qabow ka helay Goetze isagoo taagan banaanka goolka, balse kubadii uu goolka aadiyay goolhaye Pyatov ayaa si cajiib badan u badbaadiyay.

GERMANY 2 – 0 UKRAINE

Bastian Schweinsteiger ayaa dhaliyay gool quus istaajiyay Ukraine markii uu shabaqa taabsiiyay kubad uu si fiican ugu soo caawiyay Mesut Ozil.

Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee farqi 2-gool ah ku badiya koobka qaramada qaaradda yurub, waxeyna haatan si toos ah hogaanka ugu qabteen groupka C.