Home » Ciyaaraha » Gunners ka oo durba calaameysatay ciyaaryahankii buuxin lahaa booska daafaca sii caraabaya ee Bellerin

Gunners ka oo durba calaameysatay ciyaaryahankii buuxin lahaa booska daafaca sii caraabaya ee Bellerin
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 11:40 AM

Arsenal ayaa lasoo tabinayaa iney 15 Milyan oo Ginni ku dalban doonto daafaca midig ee kooxda Napoli Elseid Hysaj xilli ay doonayaan iney ku garaacaan saxiixa xidigan kooxaha ka dhisan horyaalka ingiriiska iyo kooxda Barcelona sida lagu xusay Daily Star.

22 Sano jirkan u dhashay dalka Albani ayaa hadda kamid ah ciyaaryahanada xulka Albania u matalaya koobka Qaramada Yurub oo jimcihii si rasmi ah ugu furmay dalka France, Arsenal ayaa ciyaaryahankan dooneysa iney ka afduubto Chelsea iyo Man United xilli ay ku qancineyso inuu boos ka heli doono kooxaha ka qeyb ka galayo koobka Horyaalada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Arsene Wenger ayaa la filayaa inuu waayo mid kamid ah daafacyadiisa waxa uuna doonayaa inuu ku buuxiyo booska uu baneyn doono xidiga Hector Bellein xidigan reer Albania Hysaj.

Xidigii hore ee kooxda Empoli ayaa loo badinayaa inuu buuxin doono booska uu baneynayo Hector Bellerin kaas oo ay macquul tahay inuu ku biiro kooxda Catalans ka ee Barcelona oo si ba’an u raadineysa saxiixiisa.