Home » Ciyaaraha » Halyeeygii Feerka Miisaanka Culus Muhammad Ali Oo Geeriyooday Isagoo Jira Da’da 74-Sano

Halyeeygii Feerka Miisaanka Culus Muhammad Ali Oo Geeriyooday Isagoo Jira Da’da 74-Sano
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:40 AM

Halyeeygii Feerka Miisaanka Culus Muhammad Ali, sidoo kalana ahaa astaan u gaar ah dhamaan ciyaaraha ayaa geeriyooday isagoo jira da’da 74-sano, iyadoo ay xusid mudan tahay in todobaadkii hore la dhigay isbitaal ku yaala mareykanka kadib markii ay ku adkaatay inuu neefsado.

Muhammad Ali oo sadex jeer heysta rikoorka ugu sareeya feerka dunida isla markaana ah shaqsiga ugu weyn dhanka feerka ayaa geeriyooday xalay isagoo ku jira Arizona hospital waxaana loo sababeeyay sababo dhanka neef mareenka ah.

Muhammad Ali waxaa asiibay isagoo 35-jir ah cudurka (Parkinson) oo ku dhafa neerfaha, balse nasiib wanaag waa laga daweeyay sanad ka hor waqtigii uu isaga fariistay ciyaaraha 1981.

Afhayeen u hadlay qosyaka Muhammad Ali oo lagu magacaabo Bob Gunnell ayaa u xaqiijiyay saxaafadda dhimashada halyeeygaan kaas oo geeriyooday waqti fiidnimo ah dhanka saacadda Mareykanka, balse dhanka geeska Afrika ku beegneed saqdii dhexe.

Si kastaba Muhammad Ali ayaa iska xanuunsanaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaana la xasuustaa inuu awoodi waayay safar uu ugu qorsheysnaa inuu ku yimaado wadanka Ingiriiska gaar ahaan London.

Sida lagu sheegay warbixinta, Khamiistii ayuu dareemay xanuun daran oo dhanka neef qaadashada ah taasoo keentay in loola cararo Isbitaalka, waxaana ilo ku dhaw dhaqaatiirta ay soo wariyeeen hadaladaan.

“Ma uusan jawaabin”

“Habeenkii wuxuu aaday sariirtiisa, balse sooma uusan kicin galabtii ilaa maqribtii maalintii xigtay, wuxuuna jiifay 24-saacadood”

“Waxey iska dhaadhiciyeen inuu yahay shaqsi daalan”

Ugu dambeyntiina xaaladda sugitaanka qofka caadiga ah ayey dhaaftay, waxaana ugu dambeyntii la ogaaday inuu ifka ka tagay markii lagu xiray mashiinada lagu ogaado dhaq-dhaqaaqa qofka.