Home » Ciyaaraha » Henrikh Mkhitaryan heshiiska oo ugu biiraayo Manchester United oo soo dhamaan rabo.

Henrikh Mkhitaryan heshiiska oo ugu biiraayo Manchester United oo soo dhamaan rabo.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 8:04 AM

Manchester United ayaa kordhisay dalabkeeda waxayna miiska saartay £28 milyan oo pound si ay u helaan Henrikh Mkhitaryan.

Kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa sameyneysa wax waliba si ay u heshi xidiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund iyadoo horumar ku sameeyay dalabkeedii hore loo soo diiday.

Waxaa jira warar ay soo xiganeyso Daily Mirror oo sheegaya in heshiiska Mkhitaryan oo ku dhawyahay in la isku afgarto.

Macalinka cusub ee kooxdaasi ee Jose Mourinho ayaa u arka 28 jirkaan mid horumarin kara kooxdiisa sidaasi darteed wuxuu ku qancinayaa kubada sameeyaha Armenia inuu yimaado masraxa riyada.

 

Dalabkaan ay kurdhisay Man united ee ku socda Mkhitaryan ayaa imaanaya markii hore looga soo diiday dalab dhamaa £19 milyan oo pound.