Home » Ciyaaraha » Henrikh Mkhitaryan oo doortay Naadiga uu doonayo in uu u dheelo Premier League+Sawiro

Henrikh Mkhitaryan oo doortay Naadiga uu doonayo in uu u dheelo Premier League+Sawiro
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:58 AM

Henrikh Mkhitaryan oo ah Cayaaryahan ay aad u doon doonayaan kooxaha ka dheela Horyaalka dalka England ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu doonayo inuu u dheelo Manchester United oo dooneysa in ay soo iibsadaan.

Wakiilka Xidigaan Mino Raiola ayaa Cadeeyey in Cayaaryahankiisu uu donayo in uu u dheelo kooxda Manchester United sidaa daraadeed ay Macquul tahay in heshiiskiisa lasoo gaba gabeeyo Goordhow.

Borussia Dortmund ayaa sidoo kale sheegtay in Cayaaryahankeeda Henrikh Mkhitaryan uu doonayo in uu u dhaqaaqo Horyaalka Premier League dalka England sidaa daraadeed ay albaabada u fureen kooxaha doonaya in ay ka iibsadaan.

12345