Home » Ciyaaraha » Hogaamiyaha Man Iyo xulka dalka Ingiriiska Wayne Mark Rooney oo dhiiro gelin u sameeyey ciyaaryahanada kale ee..

Hogaamiyaha Man Iyo xulka dalka Ingiriiska Wayne Mark Rooney oo dhiiro gelin u sameeyey ciyaaryahanada kale ee..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 12:45 PM

Hogaamiyaha xulka England Wayne Mark Rooney ayaa ka dhawaajiyey in xulka dalkiisa ay sameyn doonaan bandhig wanaagsan marka ay u safraan dalka France oo lagu wado inuu 10 ka bishan ka furmo koobka qaramada Yurub.

Xulka lagu naaneeso sedexda libaax ayey ku qaadatay 88 daqiiqo iney ka taqalusaan dhigooda Portugal kulan saaxiibtinimo kaas oo ka dhacay gegida Wembley bartamihii todobaadkii tagay waxa ay goolka agoonka kaga mahad celinayaan daafaca kooxda Man United Chris Smalling.

Portugal ayaa ku dhameysatay ciyaarta kaliya 9 ciyaaryahan kadib markii casaan loo taagay B.Alves oo lug kaga dhuftay madaxa weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane kaas oo kubad weerar celis aheyd doonayey inuu si dhaqso ah ula tago goosha xulka Portugal.

“Hadii aad fiiriso mararka qaar bandhigyadeena waxaad dareemeysaa inaan nahay xul diyaarsan, hadii aad u baahan tahay guul waa inaad ahaataa qof dhameystiran” Hogaamiyaha Man United ayaa sidaas u sheegay MUTV.

“Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno bandhig wanaagsan marka aan dhiggeena ku wajahno Euro 2016, waxaan jeclahay inaan kula guuleysto xulkeyga biladda dahabka oo aan u qaado koobka” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

“Ma dhahayo waxaan ahay ciyaaryahan ay ku tiirsanaan doonaan England, balse taas badalkeeda waxaan ku faraxsanahay ciyaaryahanada da’da yar ee sameynayo bandhigyada wanaagsan, waxaana filayaa bandhigyadooda inuu iga caawin doona inaan hanano koobka horyaalada Yurub”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in macalinka xulka dalka Ingiriiska Roy Hodgson uu liiska kusoo darsaday weeraryahano gaarayo ilaa shan weeraryahan waana markii ugu horeysay muddo 16 sano ah in xulka England ey usoo kaxeystaan koob caalami ah shan weeraryahan iyada oo tan oo kale dhacday koobkii Euro 2000.