Home » Ciyaaraha » Hordhac: Sweden oo dooneysa iney Talyaaniga dhadhansiiso xanuunka guuldarrada Maanta.

Hordhac: Sweden oo dooneysa iney Talyaaniga dhadhansiiso xanuunka guuldarrada Maanta.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-06-16 10:18 AM

Italy ayaa si nadiif ah isaga xaadirin karta wareega 16-ka koobka qaramada qaaradda yurub hadii ay galabta guul ka gaarto dhigooda Sweden kulanka labaad ee groupka E, balse Zlatan iyo ciidamadiisa waxey dhibaato u geysan karaan Azzurri madama qudhooda ay dhibic kaliya heystaan.

Azzurri guul qurux badan ayey ku bilowday tartanka markii ay 2-0 ku qaarijisay Belgium, balse Sweden waxey barbaro la dhaafi weysay Republic of Ireland kulan ku dhamaaday 1-1, balse haatan Sweden waxey raadinayaan guushoodii ugu horeysay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Italy vs Sweden

Tartanka: Euro 2016

Garoonka: Stadium Municipal

Saacadda: 4:00 Galabnimo (KSA)

Garsoore: Viktor Kassai (Hungary)

MAXAA CUSUB?

Daafaca Manchester United Matteo Darmian ayaa la filayaa inuu kursiga keydka kusoo bilowdo madama la badlaay kulankii Belgium-ka kadib markii uu xanuun dareemay. Grazianno Pelle ayaa diyaar ah inkastoo uu waayay tababarkii talaadadii, balse waxaa la xaqiijiyay inuusan wax dhibaato ah qabin.

Dhanka kale Mikael Lustig ayaa dhaawac gumaarka ah kaga maqnaan kara Sweden kadib markii kulankii Rep. of Ireland looga saaray, inta ka hartay kooxda wey bad qabaan, macalin Hamren ayaan wax isbadal ah ku sameyn doonin shaxdii kulankii hore.

MA OGTAHAY?

Italy afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahaan Sweden guuldaro lama kulmin (3-guul, 1-barbaro), guushii ugu dambeysay oo ay Swedish-ku ka gaaraan Italy waxey aheyd 1998 kulan saaxiibtinimo oo ku dhamaaday (1-0).

Si kastaba Italy, lix kulan oo ay tartan caalami ah is arkeen Sweden dhamaantood shabaqa ma aysan ilaashan, (2-guul, 1-barbaro iyo 3-guuldaro).

Sweden waligood kama dhalin Italy wax ka badan 1-gool, 8-dii kulan ee ugu dambeysay.

kulankaan waa kii sadexaad oo ay labadaan xul ku kulmaan koobka qaramada yurub, Azzurri ayaa 2-1 guul ah gaaray Euro 2000,m sidoo kalana afar sano kadib ayey Portugal ku kulmeen Euro 2004 barbaro (1-1) ah ayey galeen.

7-ka mid ah sagaalkii gool ee ugu dambeeyay oo ay Italy ka dhaliyaan Sweden waxey yimaadeen qeybta hore ciyaarta.

Italy wax guuldaro ah sooma wajahin 11-ka oo ay tartan caalami ah ciyaaraan tan iyo markii uu Conte la wareegay xilka tababaranimo, (8-guul, 3-barbaro), guuldaradii ugu dambeysay Italy waxey ka heysataa Uruguay koobkii Aduunka 2014.

Italy wali lagama dhalin wax ka badan 2-gool, 34-kulan oo ay ciyaareen koobka qaramada qaaradda yurub.

Markii ugu dambeysay oo ay Italy gaarto laba guul oo xiriir ah tartanka Qaramada yurub waxey aheyd Euro 2000 markaasna waxey tiigsadeen Final.

Sweden waxey badiyeen kaliya 3-kulan, 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen koobka Qaramada Qaaradda Yurub.

Ibrahimovic ayaa ah xidigii ugu dambeeyay ee Swedish ah kaas oo gool ka dhaliya Italy, June 2004 kulan ku dhamaaday 1-1, sidoo kalana afar shuud oo uu ku tuuray goolka Ireland midna goosha kuma toosin.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Italy (3-5-2 formation): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Candreva, Parolo, De Rossi, Giaccherini, Darmian; Pellè, Eder

Sweden (4-3-3 formation): Isaksson; Lustig, Lindelof, Granqvist, Olsson; Larsson, Lewicki, Kallstrom, Forsberg; Berg, Ibrahimović