Home » Ciyaaraha » Hordhac: Wales vs Belgium: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Caawa

Hordhac: Wales vs Belgium: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Caawa
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-07-16 9:20 AM

Wales ayaa rajeyneysa iney markeedii ugu horeysay taariikhda gaarto Semi Finalka tartan weyn xilli ay wajahayaan Belgiumka oo wacdaro ku socda.

Xulka kaalinta labaad kaga jira qiimeynta aduunka ee Belgiumka ayaa wacdaro dhigay iyagoo kasoo kabsaday guuldaro xanuun badan oo ay tartanka ku furteen iyagoo ka helay Italy wareegii groupyada, balse haatan waxey ku socdaan jawi sare.

Iney dhaliyeen sideed gool sadexdii kulan ee ugu dabeysay ayaa ka dhigan iney yahiin mid ka mid ah xulalka ugu cad-cad tartanka, waxeyna caawa Lille isku farasaari doonaan wiilasha Cris Coleman.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Wales vs Belgium

Tartanka: Euro 2016 (Quarter Final)

Garoonka: Stade Pierre-Mauroy

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Kabtan Ashley Williams ayaa kasoo kabtay dhaawac garabka kasoo gaaray kulankii Nothern Ireland, dhibaato xoog leh ayuu qabay balse nasiib wanaag tababarkii Arbacadii wuu dhameystay taasoo ka dhigan inuu kasoo muuqan karo ciyaarta caawa.

22-ka kale ee xulka Wales ayaan wax dhibaato ah qabin, waxeyna si buuxda diyaar ugu yahiin kulanka Lille ka dhici doona.

Belgiumka dhibaatooyin dhanka daafaca ah ayaa soo wajahay waxaana ka maqnaan doona Thomas Vermaelen oo ganaax ku seegi doona ciyaartaan, iyo Jan Vertonghe oo dhaawac soo gaaray.

Jordan Lukaku iyo da’yarka Manchester City Jason Denayer ayaa rajeynaya iney ka mid noqdaan afarta daafac ee dambe.

Eden Hazard ma tababaran tan iyo kulankii Hungary, balse Wilmots wuxuu aaminsan yahay inuu caawa kabtankooda taam u yahay ciyaartaan. Mousa Dembele ayaa sidoo kale tababarka kusoo laabtay kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeysay.

MA OGTAHAY?

Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan xul isku arkayaan tartan caalami ah.

Sadexdii kulan ee ugu dambeysay ee ay is arkeen labadaan xul mid walba wuxuu dhaliyay kaliya 3-gool.

Wales kaliya hal kubad ayey goolka la beegsadeen kulankii Nothern Ireland ee wareegga 16-ka, kubaddaasna waxey aheyd laad xor ah oo ka yimid Gareth Bale.

Wales wax gool ah lagama dhalin qeybta hore ciyaarta tartanka qaramada yurub (Euro 2016).

Todoba ka mid ah goolasha sideedda ah ee ay Belgiumka tartankaan ka dhaliyeen waxey yimaaden qeybta labaad iyadoo ay sii dheer tahay in lix ka mid ah goolashaas ay yimaadeen 30-ka daqiiqo ee ugu dambeeya ciyaarta.

Belgiumka wax gool ah lagam dhalin sadexdii kulan ee ugu dambeysay Euro 2016, kaliya kulankii Italy ayaa laba jeer shabaqooda lasoo taabtay.

Line Up

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Wales XI: Hennessey, Gunter, Taylor, Davies, Chester, Williams, Allen, Ledley, Bale, Ramsey, Robson-Kanu.

Belgium XI: Courtois, Meunier, Alderweireld, Denayer, Vertonghen, Witsel, Nainggolan, Mertens, De Bruyne, Hazard, Lukaku.