Home » Ciyaaraha » Hordhac: Wax waliba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaatid kulanka galabta dhex mari doono Spain V Cech

Hordhac: Wax waliba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaatid kulanka galabta dhex mari doono Spain V Cech
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 12:15 PM

Xulka difaacanaya koobka European Championships ee Spain ayaa foodda dari doona xulka Czech Republic ciyaar ka dhici doonta garoonka Stadium Municipal ee magaalada Toulouse galabta oo Isniin ah isla markaana ka tirsan ciyaaraha wareega koowaad ee Group D ee tartankaan.

Xulka Croatia ayaa guul ku furtay ciyaartiisii koowaad ee safkaan Group D ka dib markii gool uu dhaliyey Luka Modric uu ka caawiyey inay dhinaca dhulka u dhigaan xulka Turkey ciyaar dhacday galabnimadii Axadii, iyaga ayaana haatan seddax dhibcood ku hogaaminaya Group D.

Xulalka Kulmaya: Spain vs Czech Republic

Saacadda: 4pm (Xilliga Geeska Africa)

Garoonka: Stadium Municipal – Toulouse

Ciyaaraha Wareega 1aad Group D – Euro 2016

Garsooraha Kulanka: Szymon Marciniak (Poland)

Spain ayaa kaalinta todobaad uga jirtay qiimeyntii ugu dambeysay ee xulalka adduunka ee FIFA, sidaas oo ay tahay iyaga ayaa ugu cadcad hanashada tartankaan maadaama ay ku guuleysteen labadii jeer ee ugu dambeysay, waxay haatan isha ku hayaan inay markoodii seddaxaad oo xiriir ah hantaan koobkaan.

Czech Republic ayaa iskeeneysa kulankaan iyadoo la saadaalinayo inay noqdaan xulka laga adkaan doono laakiin waxay isha ku hayaan inay wacdaro ka dhigaan ciyaartooda ugu adag ee safkaan, adduunka ayeyna ka yaabsan karaan haddii ay Spain gaarsiiyaan guuldarradoodii labaad oo xiriir ah Isbuuc gudihiis iyadoo uu ka adkaaday xulka Georgia kulankoodii ugu dambeeyey ee saaxiibnimo.

ISBARBARDHIGGA QAAB CIYAAREEDKA LABADAAN WADDAN

Lixdii kulan ee ugu dambeeyey xulka Czech Republic wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u hooseeya taasoo killiftay inay soo gaaraan seddax guuldarro, barbardhac iyo laba guul ayaana u wehliya, guusha keliya ee ay ku farxi karaan waa middii ay nusdarsinka goolasha ah ugu qubeeyeen xulka Malta.

Dhanka kale, Spain qudheedu kuma jirto qaab ciyaareed qurux badan, kulankoodii ugu dambeeyey waxaa guuldarro 1-0 ah kasoo gaartay xulka Georgia, waxayna badiyeen keliya laba ka mid ah shantoodii kulan ee ugu dambeeyey, labada kulan ee kale barbardhac ayey galeen. Laakiin Spain lagama dhalin wax ka badan hal gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey taasoo kuu muujineysa sida ay uga adag yihiin dhanka daafaca.

MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Daafaca dambeedka midig ee xulka Real Madrid Dani Carvajal ayaa laga reebay xulka Spain ka dib markii uu dhaawac cajirka ah kasoo gaaray finalkii UEFA Champions League, Juanfran ayaana la filayaa inuu kusoo bilowdo booskaan, iyadoo keydka ay kusoo bilaaban doonaan Hector Bellerin iyo Cesar Azpilicueta.

Alvaro Morata ayaa qaba dhaawac yar ka hor kulankaan, laakiin waxaa la filayaa inuu si buuxda taam u noqdo isla markaana uu kusoo bilowdo kulankooda furitaanka ee ay wajahayaan Czech Republic. Nolito ayeyna u badan tahay inuu ciyaaro garab weerar ah iyadoo keydka loo dirayo Pedro.

Inkastoo uu tartan xoogan ka jiro qadka dhexe ee xulka Spain, Andress Iniesta, Sergio Busquets iyo Koke ayaa la filayaa inay kusoo bilowdaan kulankaan Isniinta. Goolhaye David de Gea ayena u badan tahay inuu sii adkeysto booskiisa, iyadoo keydka uu kusoo bilaabanayo kabtanka koowaad ee xulkaan Iker Casillas.

Dhanka kale Czech Republic, Borek Dockal ayaa ah dhaawaca keliya ee ay ka welwelaan xulka Czech Republic ka dib markii uu ku dhaawacmay ciyaartoodii ugu dambeysay ee saaxiibnimo ee ay wajaheen xulka Russia. Laakiin waxay u badan tahay inuu taam ku noqdo waqtiga kulankaan, xulka tababare Pavel Vrba ma qabo dhaawacyo kale oo uu ka welwelo.

MA OGTAHAY?

Spain ayaan wax guuldarro ah la kulmin dhammaan afar kulan oo ay wajahday xulka Czech Republic, iyadoo badisay seddax jeer. Dhammaan seddaxdaan guul waxay ka yimaadeen seddaxdii kulan ee ugu dambeeyey ee dhexmaray xulalkaan.

Dhammaan afartaan kulan ee dhexmaray labadaan xul waxay ahaayeen tartamo rasmi ah oo laba lugood ah, waana isreebreebka Koobka Adduunka iyo Koobka Qaramada Qaaradda Yurub sannadihii 1996 iyo 2011 ayeyna dhexmareen kulamadaasi.

Waxaa xusid mudan inuu xulka Czech Republic dhaliyey keliya hal gool afartaas kulan oo uu wajahay Spain, halka laga dhaliyey shan gool.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Spain (4-3-3): De Gea – Alba, Ramos, Pique, Juanfran – Iniesta, Busquets, Koke – Silva, Nolito, Morata.

Czech Republic (4-2-3-1): Cech – Limbersky, Kadlec, Sivok, Kaderabek – Darida, Plasil – Krejci, Kolar, Dockal – Necid.