Home » Ciyaaraha » Hordhaca Belgium vs. Republic Of Ireland: Xulka Red Devils Oo Doonaya Inay Kasoo Kabsadaan Guuldarradii Italy

Hordhaca Belgium vs. Republic Of Ireland: Xulka Red Devils Oo Doonaya Inay Kasoo Kabsadaan Guuldarradii Italy
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:44 AM

Xulka Jamhuuriyadda Ireland ayaa rajeynaya inay soo afjarayaan rajada xulka Belgium ee tartanka Euro 2016 ka dib guuldarradii kasoo gaartay xulka Italy ciyaartoodii furitaanka marka uu ku kulmaan garoonka Stade Matmut Atlantique galabta oo Sabti ah.

Hubaal taageereyaasha xulka Belgium ayaa ka niyadjabsan qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen xulkoodu ciyaartodii furitaanka, iyadoo Italy ay laba gool ka dhalisay xilli aysan xulka Red Devils wax jawaab ah bixin. Belgium ayaana u baahan guul ama ugu yaraan barbardhac marka ay wajahdo Jamhuuriyadda Ireland si ay uga fogaato inay xilli hore ka harto Koobka Qaramada Qaaradda Yurub.

  • Xulalka Kulmaya: Belgium vs. Republic Of Ireland
  • Saacadda Kulanka: 4pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Stade Matmut Atlantique – Bordeaux
  • Garsooraha Kulanka: Cuneyt Cakir (Turkey)
  • Ciyaaraha Wareega 2aad Group E – Euro 2016

Jamhuuriyadda Ireland ayaa dhibic ka heshay kulankii ay wajahday xulka Sweden ee furitaankii tartankaan, waana xulka ugu cadcad inay labeeyaan xulka Italy oo kasoo baxay Group E isla markaana xaqiijiyey booskooda wareega 16ka tartankaan ka dib guul 1-0 ah oo ay Jimcadii ka gaareen Sweden.

Guul ay gaaraan xulka Jamhuuriyadda Ireland ayaa ka dhigi doonta kuwo hal lagu lasii gala wareega bugbaxda tartankaan, halka Belgium ay u baahan yahay guul ama ugu yaraan barbardhac si uu safkaani weli usii ahaado mid furan.

  • MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Marka laga reebo Jonathan Walters oo kubka ka dhaawacan, Jamhuuriyadda Ireland ma qabaan dhaawacyo cusub oo ay ka welwelaan waxaana la filayaa inay garoonka kusoo galaan isla shaxdii ay kaga yaabsadeen xulka Sweden.

Kevin de Bruyne iyo Eden Hazard ayaa la filayaa inay labaduba diyaar u noqdaan kulankaan inkastoo dhaawacyo yaryar ay kasoo gaareen ciyaartii ay wajaheen Italy.

Laakiin tababaraha xulka Belgium Marc Wilmots ayaa laga yaabaa inuu xoojiyo weerarkiisa ka dib markii ay shabaqa soo taaban waayeen Isniintii.

Wilmots ayaana la filayaa inuu keydka geliyo goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois kaasoo si aad ah loo dhaleeceeyey qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay ciyaartii ay wajaheen Italy. Goolhayaha Liverpool Simon Mignolet ayaana la filayaa inuu booska ka bedelo.

  • MA OGTAHAY?

Belgium abid guuldarro kalama aysan kulmin xulka Republic of Ireland, iyagoo badiyey lama ka mid ah todobo kulan oo ay wajaheen.

Belgium iyo Ireland ayaana barbardhac galay shanta kulan ee kale, waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay labadaan xul isaga horyimaadaan ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships.

Labadaan xul ayaa markii ugu dambeysay ee ay kulmaan waxay aheyd isreebreebkii Koobkii Adduunka ee sannadkii 1998dii, labadaas kulan xulka Belgium ayaa min 2-1 ku adkaaday.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Belgium (4-2-3-1): Courtois – Ciman, Alderweireld, Vermaelen, Vertonghen – Witsel, Nainggolan – De Bruyne, Fellaini, Hazard – Lukaku

Republic of Ireland (4-3-1-2): Randolph; Coleman, O’Shea, Clark, Brady; McCarthy, Whelan, Hendrick; Hoolahan; Walters, Long