Home » Ciyaaraha » Hordhaca England vs. Wales: Xulalka Xifaaltama Ee Reer Britain Oo Ku Kulmi Doona Tartan Caalami Ah Markii Ugu Horreysay

Hordhaca England vs. Wales: Xulalka Xifaaltama Ee Reer Britain Oo Ku Kulmi Doona Tartan Caalami Ah Markii Ugu Horreysay
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 5:36 AM

England v WalesEngland ayaa wajaheysa xulka Wales galabta oo Khamiis ah kulanka ugu adag safka Group B ee tartanka Euro 2016, iyadoo ciyaartoyda iyo tababareyaasha labadaan xul ay saxaafadda hadallo kulul isku marinayeen maalmihii ugu dambeeyey.

Xiddiga xulka Wales Gareth Bale, oo shabaqa soo taabtay kulankii Sabtidii ay guusha 2-1 ah ka gaareen xulka Slovakia, ayaa bilaabay dagaalkaan afka ah ka hor ciyaarta galabta ka dhici doonta magaalada Lens isagoo tilmaamay in ciyaartoyda haatan ee xulka England uusan midkoodna boos ka heleen xulka haatan ee Wales.

Xulalka Kulmaya: England vs. Wales
Saacadda: 4pm (Xilliga Geeska Africa)
Garoonka: Stade Bollaert-Delelis – Lens
Ciyaaraha Wareega 2aad Group B – Euro 2016
Garsooraha Kulanka: Felix Brych (Germany)
Gooldhaliyaha Real Madrid ayaa sidoo kale sheegay inay Wales ka sharaf badan tahay xulka England, wuxuuna soo jeedinayey in xulka England ee tababare Roy Hodgson ay yihiin kuwo sharaflaaweyaal ah, isagoo hadalkiisa ku daray in aysan aheyn xul waddaniyiin ah ama leh wax hammi ah.

Dhanka kale, xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Aaron Ramsey ayaa saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin Bale ku raacay aragtidiisa, wuxuuna caddeeyey inay Wales ka wanaagsan tahay England, isagoo aaminsan in niyadsamida xulkiisu ay muhiim u noqon doonto kulanka Khamiista.

Xididga xulka England Adam Lallana, oo kasoo muuqday ciyaartii ay barbardhaca 1-1 ah la galeen Russia ee ka dhacday magaalada Marseille, ayaa sheegay in ciyaartoyda ay isku xulka yihiin aysan qasab ku aheyn inay diiraddooda oo dhan isugu geeyaan Bale wuxuuna uga digay halista Ramsey iyo saaxiibkiisa Liverpool Joe Allen.

Kulankaan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyey ee labadaan xul ku dhexmara ciyaaraha kama dambeysta ah ee tartan weyn, iyadoo tababare Chris Coleman uu ku waaniyey xulkiisa Wales inay waxoogaa sugaan, halka daafaca dambeedka bidix ee xulka England Ryan Bertrand uu sheegay inuu filayo inuu kulan dahabi ah kasoo baxo ciyaarta Khamiista.

MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?
Hodgson ma qabo dhaawacyo uu ka welwelo ka hor kulankaan, laakiin wuxuu wajahayaa madax xanuun dhanka xulashada ah iyadoo Jamie Vardy uu u dagaalamayo inuu booska kala baxo Raheem Sterling, kaasoo lagu dhaleeceeyey qaab ciyaareedkii niyadjabka lahaa ee uu soo bandhigay ciyaartii ay wajaheen Russia.

Si la mid ah, tababaraha Wales Coleman wuxuu heystaa koox dhammaan caafimaad qabta oo uu kasoo xulan karo shaxdiisa ugu adag waxaana laga yaabaa inuu magacaabo isla shaxdii uu ku garaacay xulka Slovakia ciyaartii ka dhacday magaalada Bordeaux.

MA OGTAHAY?
Wales ayaa ku guuldarreysatay inay ka adkaato xulka England todobo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyey, iyadoo laga badiyey lix jeer isla markaana hal guul oo keliya gaartay, guushaasi waxay timid 32 sanno ka hor, iyagoo bishii May sannadkii 1984tii guul 1-0 ah ka gaaray xulka England ciyaar ka dhacday Wrexham.

Waa markii labaad oo xulka England uu wajahayo xul kale oo ka dhisan United Kingdom ciyaar tartan caalami ah ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen xulka Scotland tartankii Euro 1996.

Three Lions ayaa haatan ka hor ku ciyaartay magaalada Lens, waxayna guul 2-0 ah ka gaartay xulka Colombia ciyaartaas oo ka dhacday Stade Bollaert-Delelis intii lagu jiray Koobkii Adduunka 1998.

Wales ayaa keliya laba gool dhalisay sideedii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday England, iyadoo ku guuldarreysatay inay shabaqa soo taabato afarteedii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday xulkaan ay deriska yihiin.

Mark Hughes oo ah tababaraha haatan ee kooxda Stoke City ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee Wales ah ee gool ka dhaliyey England, kulankaas oo dhacay bishii May sannadkii 1984tii, xulkiisa ayaana 1-0 ku badiyey ciyaartaas.

England ayaa ugu yaraan hal gool dhalisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday xulka Dragons, laakiin laba gool ma aysan dhalin intii lagu jiray ciyaarahaas, markii ugu dambeysay oo ay ka dhaliyeen seddax gool iyo wax ka badan waxay aheyd sannadkii 1978dii, markaasoo ay 3-1 uga badiyeen ciyaar ka dhacday Cardiff.

Wales ayaa gool laga dhaliyey kulan kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey marka lagu daro ciyaarihii saaxiibnimo waana rikoorkoodii ugu xumaa ee difaacasho tan iyo bishii March 2013kii markaasoo 11 gool laga dhaliyey.

Bale ayaa dhaliyey 14 ka mid ah 31 gool oo ay xulka Wales dhaliyeen tan iyo markii uu qabtay tababare Coleman bishii February 2012kii taasoo la micno ah inuu dhaliyey boqolkiiba 45 goolalka xulkaan.

Wayne Rooney ayaa shabaqa soo taabtay todobo ka mid ah sideedii kulan ee uu ciyaar tartan rasmi ah u safto xulka England.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN
England (4-2-3-1): Joe Hart; Kyle Walker, Gary Cahill, Chris Smalling, Danny Rose; Eric Dier, Dele Alli; James Milner, Wayne Rooney, Jamie Vardy; Harry Kane

Wales (3-5-2): Wayne Hennessey; James Chester, Ashley Williams, Ben Davies; Chris Gunter, Aaron Ramsey, Joe Allen, Joe Ledley, Neil Taylor; Gareth Bale, Hal Robson-Kanu