Home » Ciyaaraha » Hordhaca Kulanka France Vs Ireland, Jamhuuriyada Irish Ka Oo Dooneysa Iney Galabta Ka Aar Gudato Faransiiska

Hordhaca Kulanka France Vs Ireland, Jamhuuriyada Irish Ka Oo Dooneysa Iney Galabta Ka Aar Gudato Faransiiska
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:37 AM

Jamhuuriyada Ireland ayaa galabta raadin doonta sidii ay kaga aar gudan laheyd xulkii sireebreebkii koobkii aduunka ee 2010 kii ka reebay ee FRance marka ay isku wabtaan wareega 16 ka ee tartanka EUros ka.

Kulanka: France Vs Ireland

Garoonka: Stade de Gerland

Saacada Geeska Afrika: 4:00 Galabnimo

Wararka Labada Koox:

Fransiiska inkastoo aysan ilaa haatan soo bandhigin qaab ciyaareed cabsi gliya xul weyn hadana waxay gaareen labo guul halka ay mar barbaro la galeen waxayna guruubkooda kaga soo bexeen kaalinta koowaad iyagoo inta badan dadaalkooda kaga mahadcelinaya mucjisaadka Dimtri Payet oo labo kulan dhamaadkii ciyaarta badbaadiyay xulkiisa.

Dhanka Irish ka nasiib ayeey ku lahaayeen iney halkaan soo gaaraan waxayna guushii ay ka gaareen Italy ka saaciday iney ku soo baxaan kaalinta sadexaad iyagoo booskaas ku garaacay Turkey.

Ma jiraan walwal dhaawac oo ay qabaan labada xul midkoodna laakin labada macalin ayaa hogaamiyeyaashooda weerarka ee kala ah Shane Long  iyo Antonie Greizmannuga baahan howl ka badna intii ay qabteen hadii ay doonayaan in xulalkooda ay meel fiican gaaraan.

 

Xaqiiqooyinka Kulanka:

France todobo kulan oo ay ku ciyaareen Stade de Gerland lama kulmin wax guuldaro ah (Guulo 5  Barbaro 2).

France ayaana wax guuldaro ah kala kulmin dhigooda Republic of Ireland shantoodii kulan ee ugu danbeysay waxayna Les Bleus ku adkaatay is aragoodii ugu danbeeyay ku adkaatay goolal wadareed gaaraya 2-1 waana kulamadii loogu soo baxayay koobkii aduunka ee 2010 FIFA  (1-0 marti, 1-1 minan)

France ayaana guul gaarin kulan bug bax ah oo tartanka EURO ka ah tan iyo sanadii 2000; Ireland ayaa iyana markii ugu horeysa soo gaartay heerkaan.

Didier Deschamps kooxdiisa ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadoodii kulan ee ugu danbeysay (Guulo 6 Barbaro 1)

Shaxaha MAcquulka Ah Ee Labada Koox:

France: Lloris; Sagna, Rami, Koscielny, Evra; Pogba, Kanté, Matuidi; Griezmann, Giroud, Payet.

Republic of Ireland: Randolph; Coleman, O’Shea, Duffy, Brady; McClean, Whelan, McCarthy, Hendrick; Murphy, Long.