Home » Ciyaaraha » Hordhaca Kulanka Germany Vs Slovakia, Xulka Koobka Aduunka Heysta Oo Caawa Dagaal U Galaya Gaaritaanka Wareega Sideeda

Hordhaca Kulanka Germany Vs Slovakia, Xulka Koobka Aduunka Heysta Oo Caawa Dagaal U Galaya Gaaritaanka Wareega Sideeda
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:33 AM

Xulka Germany ayaa caawa la kulmaya xulkii ugu danbeeyay ee gool ka dhaliya ee Slovakia kuwaasoo shabaqa kasoo taabtay kulan saaxiibtinimo oo dhacay bishii May.

Kulanka: Germany Vs Slovakia

Garoonka:

Saacada Geeska Afrika:7:00 FIidnimo

Wararka Labada XUl:

Jérôme Boateng ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee xulka Germany kadib markii uu dhaawac kaga baxay kulankii ay guusha ka gareen Ireland wuxuuna maclainkiisa Joachim Löw cadeeyay inuu diyaar u yahay kulankaan.

Macalinka jarmalka ayaa kooxdiisa uga digay qasaarinta fursadaha tirada badna ee ay abuuraan xidigaha khadka dhexe wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay goolal hadii ay doonayaan iney guuleysteen.

 

Dhanka Slovakia waxay kaalinta sadexaad kaga soo bexeen guruubkii ay ku jireen ingiriiska iyo Wales waxayna barbaro ka haleen ingiriiska halka ay guul ka gaareen xulka Russia.

Slovakia ayaa 3-1 ku garaacday isla xulkaan Germany kulan saaxiibtinimo oo dhacay bishii May, markaas kadibna wax gool ah lagama dhalin xulka Die Menchefts.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Germany: Neuer; Kimmich, Boateng, Hummels, Hector; Kroos, Khedira; Müller, Özil, Götze; Gomez.

Slovakia: Kozáčik; Pekarík, Škrtel, Ďurica, Hubočan; Pečovský; Mak, Kucka, Hamšík, Weiss; Duda.