Home » Ciyaaraha » Hordhaca Kulanka Italy Vs Jamhuuriyada Ireland, Azzuri Oo Ciyaaraya Xili Ay Xaqiiqsadeen Booskooda Koowaad Ee Guruubkooda

Hordhaca Kulanka Italy Vs Jamhuuriyada Ireland, Azzuri Oo Ciyaaraya Xili Ay Xaqiiqsadeen Booskooda Koowaad Ee Guruubkooda
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 8:08 AM

Ireland ayaa u baahan iney sameeyaan wax aysan sameyn mudo 28 sano ah si ay u rajeeyaan u soo bixintaankooda wareega xiga ee tartanka Euro 2016 taasoo ah iney guul gaaraan tartanka European Championsip wuxuuna xulka macalin Martin O’Neill wajihi doonaa wiilasha Antonio Conte oo xili horeba xaqiiqsaday booskooda wareega 16 ka ee tartankaan.

Kulanka: Italy Vs Ireland

Garoonka: Stade Pierre Mauroy

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Wararka Labada Koox:

Italy waxay xaqiiqsatay booska koowaad ee guruubkeeda sidaasi darteed uma baahna wax dhibic ah halka Ireland oo wadata kaliya hal dhibic ay ku jirto xaalad aad u liidata mara la eego rajadeeda u soo bixitaanka wareega xiga ay ku sii xiran tahay waxa ka dhaca kulanka Belgium Vs Sweden.

Jonathan Walters, oo dhaawac ku seegay kulankii Belgium ayaa la filayaa inuu ku soo laabto shaxda xulka Ireland halka Italy la filayo iney soo doortaan ciyaartooy u badna kuwa keydka maadaama ay xaqiiqsadeen booskooda koowaad.

 

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Kani waa kulankii 14aad ee labada xul; Italy ayaa adkaatay sideed kamid ah 13 kii hore halka Republic of Ireland ay adkaatay labo jeer sadex barbaro ayeey galeen.

Italy ayaa adkaatay kulankii ugu danbeeyay ee labada xul ( 2-0 ) wuxuuna ahaa ahaa EURO 2012, waxaana goolsha ka dhaliyay Antonio Cassano iyo Mario Balotelli kulankaas ayaana haa kii ugu danbeeyay ee sadex kulan oo ay ku kulmeen tartan weyn markaasoo Italy ay ku garaacday Ireland 1-0 sideed dhamaadkii koobkii aduunka 1990 halka Ireland ay isla natiijadaas oo kale ku adkaatay heerkii guruubyada ee afar sano kadib.

Italy wax guuldaro ah lama kulmin 12 kulan oo rasmi ah uu maamulay Antonio Conte (Guul 9 Barbaro 3). guuldaradoodii ugu danbeysay waxay aheyd tii Uruguay ee koobkii aduunka ee 2014.

Italy waligood ma dhalin wax ka badan labo gool ee 35 kulan oo tartan ka European Championships.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Italy: Sirigu, Barzagli, Ogbonna, Darmian, Motta, Bernadeschi, Sturaro, Insigne, Florenzi, El Shaarawy, Zaza

Ireland: Randolph, Coleman, O’Shea, Clark, Brady, McCarthy, Whelan, Hendrick, Hoolahan, Walters, Long