Home » Ciyaaraha » Hordhaca Kulanka Spain Vs Croatia, La Roja Oo Barbaro U Baahan Si Ay U Xaqiiqsadaan Booskooda Koowaad

Hordhaca Kulanka Spain Vs Croatia, La Roja Oo Barbaro U Baahan Si Ay U Xaqiiqsadaan Booskooda Koowaad
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 5:16 AM

Croatia ayaa u baahan barbaro si ay u xaqiiqsadaan kulanka ka dhacay Bordeaux si ay ugula biiraan Spain wareega 16.

Kulanka: Spain Vs Croatia

Garoonka:

Saacada Geeska Afrika: 9:00 Fiidnimo

Wararka Labada Koox:

SPain waxaa ku filan barbaro si ay isaga xaadiriso booska koowaad ee guruubkeeda markaasoo ay ka badbaadi doonta iney la ciyaaraan Italy oo booska koowaad kaga soo baxday guruubkeeda halka Croatia ay iyana u baahan yihiin hal dhibic si ay u xaqiijiyaan soo bixitaankooda wareega xiga maadaama ay wali cadaadis ku heyso kooxda Czech Republic oo wadata hal dhibic.

Ciyaartooyda Croatia aya akulanii Czech Republic ku dhameystay argagax markii ay jamaahiirtooda garoonka ku shideen bulaleer iyo baaruuda holacda waxayna ciyaar ay ku hogaaminayeen 2-0 ay ku dhamaatay 2-2 taasoo halis galin karta wali soo gaaritaankooda wareega xiga.

 

Hogaamiyahaan xulkaasi Modrić ayaa caawa dhaawac ku seegaya kulankaan waxayna maasuliyada garbaha ka fuulin doontaa gooldhaliyeyaashii kulankii hore ee Ivan Rakitic iyo Ivan Persic.

Spain ayaa noqotay Casa de Champions ama guriga guulaha iyagoo hantay labadii koob ee ugu danbeeyay ee tartankaan sidoo kale kooxahooda ayaa gumaad waxayna xulkaan xili hore xaqiijiyeen booskooda wareega xiga laakin waxay u baahan yihiin xaqiijinta booskooda koowaad.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Croatia: Subašić; Srna, Ćorluka, Vida, Strinić; Brozović, Badelj; Pjaca, Rakitić, Perišić; Mandžukić.

Spain: De Gea; Bellerín, Piqué, San José, Alba; Busquets; Pedro, Thiago, Iniesta, Nolito; Morata