Home » Ciyaaraha » Hordhaca Kulanka Waqooyiga Ireland Vs Germany, Die Mencheft Oo Guul U Baahan Si Ay Kaalinta Koowaad Ugu Soo Baxdo

Hordhaca Kulanka Waqooyiga Ireland Vs Germany, Die Mencheft Oo Guul U Baahan Si Ay Kaalinta Koowaad Ugu Soo Baxdo
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 5:20 AM

Jarmalka ayaa u baahan guul ay gaarana si ay u xaqiijistaan kalainta koowaad ee guruubkooda hadii kale waxay halis u galin doonaan inaan wajahado xul weyn.

Kulanka: N.Ireland Vs Germany

Garoonka:Parc des Princes

Saacada Geeska Afrika: 7:00 Fiidnimo

Falaanqeynta Kulanka Iyo Wararka Labada Koox:

Die Mencheft ayaa kulankii hore barbaro goolal aan la iska dhalin la gashay Poland iyagoo soo bandhigay qaba ciyaareed lagu caajiso sidoo kale waxay weerarka ka yihiin kuwo aan u xooganeyn sidii koobkii aduunka ee labo sano ka hor waxayna ku tashanayaan xidiga kubad sameeyaha ah ee Mario Gotze.

Maclain Martin O’Neill ayaa shan badal sameeyay kulankii ay la ciyaareen Ukraine wuxuuna keydka dhigay gooldhaliyihiisa ugu sareeya Kyle Lafferty wuxuun xaqiijiyay inuusan jirin shaqsi uu booskiisa u damaanad qaadan yahay waxayna xulkaan u baahan yihiin barbaro si ay ugu soo baxaan wareega xiga waxaana kulankaan dhaawac kaga maqnaan doonaa Conor Washington.

Germany ayaa ku qasbanana doonta in Thomas Müller ay ka ciyaarsiiyaan weerarka dhexe waxaana la filayaa in Julian Draxler uu booskiisa waayo kulankaan

Ireland
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:
Northern Ireland: McGovern; Hughes, McAuley, Cathcart, J Evans; Ward, C Evans, Davis, Norwood, Dallas; Washington.
Germany: Neuer; Höwedes, Boateng, Hummels, Hector; Kroos, Khedira; Özil, Götze, Schürrle; Müller.