Home » Ciyaaraha » Hordhaca Portugal vs Austria: Kabtan CR7 Iyo Xulkiisa Portugal Oo Isha Ku Haya Inay Ku Ciil Baxaan Xulka Austria

Hordhaca Portugal vs Austria: Kabtan CR7 Iyo Xulkiisa Portugal Oo Isha Ku Haya Inay Ku Ciil Baxaan Xulka Austria
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:41 AM

Ka dib barbardhicii ay kala kulmeen xulka tartanka ku cusub ee Iceland, Portugal ayaa isku diyaarineysa inay dib usoo kabsadaan ciyaartooda labaad ee Group F ee ay foodda darayaan xulka Austria taasoo ka dhici doonta garoonka Parc des Princes Paris caawa oo Sabti ah.

Portugal ayaa ka mid ah xulalka ugu cadcad ku guuleysiga tartankaan European Championships, derejada ugu yar ee laga filayo ayaana ah inay usoo baxaan wareega quarter-finalka tartankaan, laakiin xulka yar ee Iceland ayaa barbardhac ku qabtay Talaadadii kulankoodii furitaanka tartankaan.

  • Xulalka Kulmaya: Portugal vs. Austria
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Parc des Princes – Paris
  • Garsooraha Kulanka: Nicola Rizzoli (Italy)
  • Ciyaaraha Wareega 2aad Group F – Euro 2016

Portugal ayaa xukumeysay ciyaartaas min billoow illaa dhammaad iyadoo weerar culus markasta qaadeysay balse goolal kaga filan guusha ma aysan helin. Xiddigii hore ee Manchester United Luis Nani ayaa hogaanka u dhiibay, laakiin Birkir Bjarnason ayaa goolka barbardhaca u dhaliyey Iceland. Xulka Portugal ayaana haatan rajeynaya inay xusuustaas xun isaga reebaan ciyaarta ay wajahayaan Austria.

Hungary ayaa guuldarro 2-0 ah dhabarka u saartay xulka Austria ciyaartoodii furitaanka ee ka dhacday garoonka Nouveau Stade de Bordeaux. Qudhoodu xulka Austria waxay u baahan yihiin isla guusha ay u baahan yihiin xulka Portugal si ay ugu sii jiraan tartankaan.

  • MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Austria ayaa waxaa kulankaan ganaax uga maqnaan doona Aleksandr Dragovic kaasoo casaan qaatay ciyaartii ay guuldarrada 2-0 ah kala kulmeen Hungary.

Dhanka kale, Ricardo Quaresma oo 14kii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaaray kulankii ay wajaheen xulka Iceland ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo shaxda Portugal.

Tababare Fernando Santos ayaana wuxuu kulakaan dib u heli doonaa Danilo kaasoo Khamiistii tababarka xulka ka qeybqaatay ka dib dhaawicii kasoo gaaray ciyaartii ay wajaheen Iceland.

  • MA OGTAHAY?

Portugal iyo Austria ayaa guulo kala gaaray ciyaarahoodii hore u dhexmaray, waxay hore u ciyaareen sideed kulan, xul kasta laba jeer ayuu badiyey halka afarta kulan ee kale ay barbardhac kusoo dhammaadeen.

Kulankii ugu dambeeyey wuxuu labadaan xul dhexmaray sannadkii 1995tii markaasoo ay isku arkeen isreebreebkii Euro 1996 ciyaartaas ayaana kusoo dhammaatay barbardhac 1-1 ah, laakiin abid labadaan xul iskuma aysan arkin ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Portugal (4-1-2-1-2): Patricio – Vieirinha, Pepe, Carvalho, Guerreiro – Pereira – Gomes, Mario – Moutinho – Nani, Ronaldo.

Austria (4-2-3-1): Almer – Klein, Garics, Hinteregger, Fuchs – Baumgartlinger, Alaba – Harnik, Junuzovic, Arnautovic – Janko