Home » Ciyaaraha » Hordhaca Portugal vs. Iceland: Xulka Seleccao Iyo CR7 Oo Indhaha Ku Haya Inay Guul Ku Furtaan Euro 2016 Xilli Ay Rikoor Wacan Ka Haystaan Iceland

Hordhaca Portugal vs. Iceland: Xulka Seleccao Iyo CR7 Oo Indhaha Ku Haya Inay Guul Ku Furtaan Euro 2016 Xilli Ay Rikoor Wacan Ka Haystaan Iceland
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-06-16 5:42 AM

Cristiano Ronaldo iyo xulkiisa Portugal ayaa bilaaban doona tartankooda Euro 2016 marka ay wajahaan xulka tartankaan ku cusub ee Iceland ciyaar ka tirsan safka Group F oo ka dhici doonta garoonka Stade Geoffroy-Guichard caawa oo Talaado ah.

Ronaldo iyo xulkiisa ayaa ugu cadcad inay guul sahlan ku furtaan tartankaan maadaama ay wajahayaan xulka ku cusub tartanka kulankooda ugu horreeya, iyadoo ay xusid mudan tahay inay Portugal raadineyso inay gacanta kusoo dhigto koobkeedii ugu horreeyey ee caalami ah xagaagaan.

Xulalka Kulmaya: Portugal vs. Iceland
Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
Garoonka: Stade Geoffroy Guichard
Garsoore: Cuneyt Cakir (Turkey)
Ciyaaraha Wareega 1aad Group F – Euro 2016
Dhanka kale, xulka Iceland ayaa isha ku haya inay xaalka ku adkeeyaan kabtan Ronaldo iyo xulkiisa iyagoo markoodii ugu horreysay taariikhda ka ciyaaraha European Championships, waxayna rajeynayaa inay adduunka ka yaabsadaan iyagoo raadinaya guul lama filaan ah ama ugu yaraan barbardhac kulankaan.

ISBARBARDHIGGA QAAB CIYAAREEDKA
Portugal ayaa guuldarro kala kulantay xulka England kulan saaxiibnimo ka hor inta aysan 7-0 ku xaaqin xulka Estonia Arbacadii, seddax guul ayey gaartay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey, balse labada kulan ee kale waa laga adkaaday. Mana aysan dhalin wax gool ah labadaas ciyaarood ee laga badiyey, balse ugu yaraan laba gool ayey dhaliyeen seddaxdii kulan ee ay guusha gaareen.

Dhanka kale, Iceland ayaa qiimeyn ahaan iska meel dhexaad ah, waxaa laga badiyey seddax ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey iyadoo badisay labada kulan ee kale, waxaana ku jirta guul 4-0 ah oo ay ka gaareen xulka Lichtenstein, shabaqa ayeyna soo taabteen dhammaan shantaas kulan.

MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?
Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaa heysta xul gabi ahaanba taam wada ah oo uu kasoo xusho shaxdiisa kulankaan. Luis Nani, Eder iyo kabtan Ronaldo ayaana la filayaa inay kusoo bilowdaan weerarka Portugal, iyadoo tababare Santos uu kusoo shirtegi doono shaxda 4-3-3. Wuxuuna heystaa Ricardo Quaresma haddii uu go’aansado inuu hal gooldhaliye tuurto isagoo ciyaaraya markaas shaxda 4-2-3-1.

Daafaca dambeedka dhexe ee Portugal ayaa waxaa ka wada ciyaari doona Pepe iyo Bruno Alves, kuwaasoo wadar ahaan xulka u ciyaaray 156 kulan, waana laba ka mid ah daafacyada ugu khibradda badan tartankaan.

Dhanka kale, tababaraha xulka qaranka Iceland Lars Lagerback ayaa shaqadaan ka tegi doona ka dib dhammaadka tartankaan waxaana lagu bedeli doonaa caawiyihiisa haatan Heimir Hallgrimsson, xiddigii caanka ahaa ee kooxaha Chelsea iyo Barcelona Eidur Gudjohnsen ayaana markiisii ugu horreysay tartan caalami ah u matali doona xulka qarankiisa, balse sidoo kale waa markiisii ugu dambeysay maadaama uu ku fikirayo inuu ka fariisto kubadda cagta.

MA OGTAHAY?
Labadaan xul ayaa kulmay keliya laba jeer waana intii lagu jiray isreebreebkii Euro 2012 kulamadooda ayaana dhacay dabayaaqadii sannadkii 2010kii iyo bilowgii 2011kii.

Portugal ayaana labadaas kulanba guul gaaray, iyagoo kulankii lugtii hore ku badiyey 5-3, ka hor inta aysan kulankii lugtii labaad ku badin 3-1.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN
Portugal (4-3-3): Patricio – Vieirinha, Bruno Alves, Pepe, Eliseu – Moutinho, Pereira, A. Silva – Nani, Eder, Ronaldo.

Iceland (4-4-2): Haldorsson – Saevarsson, R. Sigurdsson, Ingason, Skulason – Gunnarsson, Gudmundsson, Bjarnason, G. Sigurdsson – Sigborsson, Finnbogason.