Home » Ciyaaraha » Hordhaca Romania vs. Albania: Xulka Romania Oo Fursad U Heysata Inay Ku Dhammeysato Kaalinta 3aad Group A

Hordhaca Romania vs. Albania: Xulka Romania Oo Fursad U Heysata Inay Ku Dhammeysato Kaalinta 3aad Group A
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:05 AM

Xulalka Romania iyo Albania ayaa foodda isdari doona caawa oo Axad ah ciyaar ka dhici doonta garoonka Parc Olympique Lyonnais taasoo ka tirsan ciyaaraha wareega ugu dambeeya ee safka Group A ee tartanka Euro 2016.

  • Xulalka Kulmaya: Romania vs. Albania
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Parc Olympique Lyonnais – Lyon
  • Ciyaaraha Wareega 3aad Group A – Euro 2016
  • Garsoore: Pavel Kralovec (Czech Republic)

Labadaan xul ayaa weli raadinaya guushoodii ugu horreeyey ee tartankaan, iyadoo Romania ay ciyaarteedii furitaanka guuldarro kala kulantay xulka France ka hor inta aysan barbardhac 1-1 ah la gelin xulka Switzerland.

Romania ayaa weli fursadda ugu wanaagsan u heysata inay ku dhammeysato seddaxda kaalin ee sarre, haddii ay badiyaan kulankaan natiijadaas oo ku xiran ciyaarta Switzerland iyo France waxay ugu yaraan ku dhammeysan doonaan kaalinta seddaxaad ee safkaan.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Romania: (4-2-3-1): Tatarusanu – Rat, Chiriches, Grigore, Sapunaru – Hoban, Prepelita – Stanciu, Stancu, Chipciu – Keseru

Albania: (4-2-3-1): Betisha – Agolli, Mavraj, Cana, Hysaj – Memushaj, Abrashi – Lenjani, Kukeli, Lila – Sadiku

  • MA OGTAHAY?

Romania ayaan abid guuldarro kala kulmin xulka Albania sagaal kulan oo ay iswajaheen, todobo ka mid ah ciyaarahaas waxaa badiyey xulka Romania halka labada kulan ee kale ay barbardhac kusoo dhammaadeen. Ciyaartoodii ugu dambeeyey waxay aheyd kulan saaxiibnimo oo dhexmaray sannadkii 2014kii, Romania ayaana 1-0 ku badisay kulankaan.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartaani waxay noqon doontaa middii ugu horreysay ee ay labadaan xul isaga hor imaanayaan ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships.