Home » Ciyaaraha » Hordhaca Spain vs. Turkey: La Rajo Oo Isha Ku Heysa Inay Hal Lug Lasii Galaan Wareega 16ka Euro 2016

Hordhaca Spain vs. Turkey: La Rajo Oo Isha Ku Heysa Inay Hal Lug Lasii Galaan Wareega 16ka Euro 2016
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-06-16 10:28 AM

Xulka Spain ayaa diyaar u ah inay sii wataan bilowgooda wanaagsan ee bandhigga Euro 2016 marka caawa oo Jimco ah ay foodda daraan xulka Turkey, iyagoo isha ku haya inay hal lug lasii galaan wareega 16ka Euro 2016.

  • Xulalka Kulmaya: Spain vs. Turkey
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Stade de Nice – Magaalada Nice
  • Ciyaaraha Wareega 2aad Group D – Euro 2016
  • Garsooraha Kulanka: Milorad Mazic (Serbia)

Spain ayaa si adag ku bilaabaneysay tartankaan sannadihii ugu dambeeyey, inkastoo kulankoodii furitaanka ee ay wajaheen xulka Czech Republic lagu dhaleeceeyey in aysan heysan dhammeystire halis ah, hadana waxay abuureen fursado wanaagsan oo ay goolal ku dhalin kareen.

Xulka Spain ayaa xagal kasta kasoo weeraray xulka Czech Republic, laakiin waxay sugeen illaa shantii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay si ay goolka guusha uga helaan Gerard Pique. Laakiin haatan waxay isha ku hayaan inay bandhiggaas soo minguuriyaan isla markaana ay goolal ku daraan si ay u dhaafaan xulka qaranka Turkey.

Dhanka kale, xulka Turkey ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulmay xulka qaranka Croatia oo si aad ah uga fiicnaa kulankaas, waxaana goolka guusha u dhaliyey xiddiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric, xulka Turkey ayaase isha ku haya inay kasoo kabsadaan guuldarradaas ay ku furteen tartankaan inkastoo ay wajahayaan xulka xoogan ee Spain.

  • MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Midkoodna labadaan xul ma qabaan dhaawacyo ay ka welwelaan, balse goolhaye David de Gea ayaa la filayaa inuu sii wato shaqadiisa ilaalinta shabaqa Spain ka dib markii uu kulankii furitaanka tartankaan booska kala baxay Iker Casillas.

Tababaraha xulka Spain Vincente Del Bosque ayaa sheegay inay xanuujisay inuu keydka geliyo kabtankiisa koowaad kulankii ay wajaheen Czech Republic, iyadoo Casillas uu 167 kulan u saftay xulkiisa Spain.

Dhanka kale xulka Turkey, indhaha oo dhan kulankaan waxay heysan doonaan kubadsameeye Arda Turan, kaasoo raalligeliyey taageereyaasha xulkiisa ka dib qaab ciyaareedkii niyadjabka lahaa ee uu soo bandhigay ciyaartii ay wajaheen Croatia, laakiin tababare Fatih Terim ayaa la filayaa inuu markale garoonka kusoo bilaabo ciyaartoydiisa tayada leh.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Spain (4-3-3): De Gea – Juanfran, Pique, Ramos, Alba – Fabregas, Busquet, Iniesta – Silva, Morata, Nolito

Turkey (4-1-4-1): Babacan – Gonul, Topal, Balta, Erkin – Inan – Calhanoglu, O Tufan, Ozyakup, Turan – Tosun

  • MA OGTAHAY?

Xulka Spain ayaa todobo kulan wajahay xulka Turkey waxayna badiyeen afar kulan, laba barnardhac iyo hal guuldarro ayaana u wehlisa.

Guuldarrada keliya ee ay Turkey dhabarka u saareen xulka Spain ayaa ka yimid ciyaartii isreebreebka Koobkii Adduunka ee sannadkii 1954tii tan iyo wixii intaas ka dambeeyey Spain guuldarro kalama aysan kulmin xulka Turkey.

Si kastaba ha ahaatee, labadaan xul abid isagama aysan hor imaanin kulan Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ah ama xataa ciyaar kama dambeys ah oo tartan caalami ah marka laga reebo ciyaaro isreebreeb ah.