Home » Ciyaaraha » Hordhaca Switzerland vs. France: Les Bleus Oo Dooneysa Inay Guul Kusoo Xirato Safka Group A & Switzerland Oo Ka Burburin Karta Riyadaas

Hordhaca Switzerland vs. France: Les Bleus Oo Dooneysa Inay Guul Kusoo Xirato Safka Group A & Switzerland Oo Ka Burburin Karta Riyadaas
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:02 AM

Martigeliyeyaasha tartanka Euro 2016 ee France ayaa durba usoo baxay wareega 16ka tartankaan waxayna isha ku hayaan inay guul kusoo xirtaan safka Group A marka ay wajahaan xulka Switzerland marka ay caawa oo Axad ah ku kulmaan garoonka Stade Pierre-Mauroy.

  • Xulalka Kulmaya: Switzerland vs. France
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Stade Pierre-Mauroy – Lille
  • Ciyaaraha Wareega 3aad Group A – Euro 2016
  • Garsooraha Kulanka: Damir Skomina (Slovenia)

Les Bleus ayaa noqotay xulkii ugu horreeyey ee usoo baxay wareega 16ka tartankaan ka dib markii ay guul 2-0 ah ka gaareen xulka Albania ciyaartoodii labaad ee safkaan, taasoo la micno ah inay guul gaareen labadoodii kulan ee furitaanka ka dib markii ay seddax dhibcood ka qaateen xulka Romania kulankoodii ugu horreeyey.

France ayaa dagaalantay illaa dhammaadkii ciyaarta si ay laba gool oo soo daahay uga dhaliyaan xulka Albania. Paul Pogba iyo Antoine Griezmann ayaana keydka kusoo bilowday kulankaan, halka Anthony Martial bedel lagu sameeyey goordambe oo kulankaas ah.

Faransiiska ayaa haatan laba guul gaaray isla markaana min laba gool ku badiyey ciyaarahaas, iyadoo aan wax gool ah laga dhalin labadaas kulan, waxayna isha ku hayaan inay sii kordhiyaan rikoorkaas marka ay wajahaan xulka Switzerland.

Dhanka kale, xulka Switzerland ayaa durba hubiyey inay ku dhammeysan doonaan seddaxda kaalin ee sarre waxayna leeyihiin afar dhibcood ka dib guushii ay ka gaareen Albania iyo barbardhicii ay la galeen Romania, guul ay ka gaaraan Faransiiska ayaana u hubin doonta inay ku dhammeystaan kaalinta koowaad ee safkaan.

  • MA OGTAHAY?

Switzerland ayaa hal mar guul ka gaartay xulka France todobo jeer oo ay kulmeen, halka France ay badisay seddax jeer kulamadaas waxayna dhibcaha kala qeybsadeen seddax kulan.

Kulankoodii ugu dambeeyey ee ku dhexmaray ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships wuxuu yimid sannadkii 2004tii bandhiggii ka dhacay Portugal, iyadoo France ay 3-1 ku badisay ciyaartaas ay wajahday xulka  Switzerland.

Markii  ugu dambeysay ee ay labadaan xul kulmeen waxay aheyd Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014kii ka dhacay dalka Brazil, France ayaana 5-2 ku badisay kulankaas.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Switzerland: (4-2-3-1): Sommer – Rodriguez, Djorou, Schar, Lichtsteiner – Berahmi, Xhaka – Mehmedi, Dzemaili, Shaqiri – Seferovic.

France: (4-3-3): Lloris – Evra, Kolscielny, Rami, Sagna – Sissoko, Pogba, Matuidi – Payet, Giroud, Griezmann.