Home » Ciyaaraha » Iceland 1-1 Hungary: Qalbijab Ku Dhacay Iceland Ka Dib Markii Ay Waqtigii Dhimashada Goolka Barbaraha Iska Dhaliyeen.

Iceland 1-1 Hungary: Qalbijab Ku Dhacay Iceland Ka Dib Markii Ay Waqtigii Dhimashada Goolka Barbaraha Iska Dhaliyeen.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 6:47 PM

Gool ay waqti danbe oo ciyaarta ah ay iska dhaliyeen xulka Iceland ayaa u diiday guul qiimo laheyd oo ay ka gaari lahaayeen xulka Hungary ka dib markii uu gool rigoore ahaa hogaanka ugu dhiibay Gyfli Sigurdsson, iyadoo ciyaartii Marseille ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah. Hungary ayaa boos fiican u taagan inay u soo baxdo wareega xiga ee 16ka halka Iceland ay iyadana weli rajo leedahay.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa inta badan iska heysatay xulka Hungary kuwaasoo nasiibka uu siin waayay inay ciyaarta hogaanka u qabtaan, laakiin xulka Iceland ayaa hogaanka ciyaarta u qabtay daqiiqadii 40aad markii gool ku laad loo dhigay.

Goolhayaha da’da weyn Kiraly ayaa kubad kooner ah oo la soo tuuray gacanta ku dhigay balse ceshan waayay, taasoo keentay in Kadar uu isku dayo inuu bixiyo laakiin waxa uu qalad ku galay Gunnersson.

DAQIIQADII 40aad GOOOL!!! Gylfi Sigurdsson ayaa u soo istaagay rigoorada, waxaana xiddiga Swansea City uu dhinac qaldan u diray goolhaye Kiraly isagoo hogaanka u dhiibay xulka Iceland.


Xulka Iceland ayaa kubada u difacaanayay si adag iyagoo nafta agdhigay goolkii rigoorada ee ay hogaanka ku qabteen, waxaana baahida ay u qabeen inay helaan guushoodii ugu horeysay abid ee tartanka qaramada Yurub ayaa aheyd mid ka muuqatay dhamaan ciyaartoydooda oo dhan.

Eider Gudjonhsen ayaa bedel ku soo galay ciyaarta oo 10 daqiiqo ka harsan, 37 jirkaan ayaana noqday xiddigii 5aad ee ugu da’da weyn ee ciyaartoyda bartamaha garoonka ciyaarta ee tartamada Yurub ka dib Matthaus, Olsen, Vastic iyo Carvalho.

ClP3NBHWAAASivzClP3NM7WAAAmgrTClP3NY1WAAA34Wz

Dhabar adeygii Iceland ayaase meesha ka baxay daqiiqadii 88aad markii ay gool iska dhaliyeen taasoo ciyaarta barbaro ka dhigtay.

DAQIIQADII 88aad GOOOL!!!! Qalbijab ayaa ku dhacay Iceland halka Hungary ay si weyn u dabaaldegtay ka dib markii ay heleen goolka barbaraha. Saevarsson ayaa shabaqa iska dhex dhigay karoos hoose uu soo dhigay Nikolic.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah iyadoo Iceland ay qalbijabtay xilli danbe oo ciyaarta ah ka dib markii ay iska barbareeyeen hogaankii ay ciyaarta ku hayeen. Iceland ayaa haatan leh 2 dhibcood welina rajo ayay ka qabaan inay u gudbaan wareega 16ka koobkoodii ugu horeysay abid ee qaramada Yurub halka Hungary ay leeyihiin afar dhibcood iyagoo hogaanka u haya Group F ka hor kulanka Portugal iyo Austria.