Home » Ciyaaraha » In dhibaato gaar ah ay heysato isaga – abaarta magaciisa ka heysata shabaqa Euro – in kubada cagta aysan laheyn saxiibo joogta ah & rajada xulkiisa ay ka qabaan wareega knockout ayuu ka hadlay Cristiano Ronaldo

In dhibaato gaar ah ay heysato isaga – abaarta magaciisa ka heysata shabaqa Euro – in kubada cagta aysan laheyn saxiibo joogta ah & rajada xulkiisa ay ka qabaan wareega knockout ayuu ka hadlay Cristiano Ronaldo
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 4:16 PM

Ka dib kulanka kale oo European Championship oo uu gool la’aan ahaa, Cristiano Ronaldo ayaa meesha ka saaray dhalaceynta loo jeedinayo, isagoo sheegay in wax iska caadi ah ay tahay in magacaaga nasiib uu u waayo shabaqa.

xidddiga Portugal ayaa kula hadlay saxaafada tababarkii maanta xulkiisa sameynayeen, waxaana uu kalsooni ka muujiyay inuu kusoo laaban doono wadad saxda ah ee looga bartay.

Inkastoo 20 darbo oo goolka ah uu sameeyay islamarkaana uu  qasaariyay rigoore, Ronaldo ayaa dhaleceyn kala duwan ay u timid, xili xulkiisa qarka usaran yihiin in ay ka haraan tartanka Euro.

” kubada cagta ma lahan saxiibtinimo joogta ah, mararka qaarkood way kaa farxisaa,” ayuu ku jawaabay Ronaldo markii dib u dhaciisa wax laga weydiiyay.

“Waa wax iska caadi ah, laga yabee in aan ahay mid goolasha ugu badan hore usoo dhaliyay Ronaldo ayaa hadalkiisa ku daray.

“Waxba dhibaato ah ma qabo hadda, waxaan doonayaa sida ugu dhakhsaha badan in aan ugu soo laabto dhalinta goolasha.

Qoyskiisa ayaa gaaray Marcoussis oo u dhow Paris si ay isaga u daawadaaan kulankii  Austria lakiin farxad kama helin bandhigiisii.

Portugal ayaa Hungary ku wajihi doona kulanka ugu dambeeya ee Group F, waxaana ay u bahan yihiin guul si ay u xaqiijiyaan wareega knockout.