Home » Ciyaaraha » Isbedel Weyn Oo La Filayo In Lagu Sameyn Doono Horyaalka Barclays Premier League Ka Dib Guuldarradii Kusoo Dhacday Xulka England

Isbedel Weyn Oo La Filayo In Lagu Sameyn Doono Horyaalka Barclays Premier League Ka Dib Guuldarradii Kusoo Dhacday Xulka England
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 7:58 AM

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ee magacooda loo soo gaabiyo FA-ga ayaa lagu soo waramayaa inay isbedel weyn ku sameyn doonaan horyaalka England Premier League, sida laga soo xigtay majaladda caalamiga ah ee The Times.

The Times ayaa sheegeysa inay FA-gu soo saari doonaan qorshe looga nasanayo horyaalka Premier League xilliga jiilaalka, waana arrin ay kaga jawaabayaan guuldarradii xulka England ay kala soo kulmeen tartanka Euro 2016.

Inkastoo inta badan horyaallada waa weyn ee Yurub laga nasto bilaha January iyo February ee sannad kasta, hadana horyaalka Premier League ayaa caado u leh in la ciyaaro xilligaas, laakiin taasi waxay saameyn ku yeelatay guulaha xulka qaranka England.

The Times ayaa fahamsan in madaxa fullinta xiriirka FA-ga ninka lagu magacaabo Martin Glenn, uu yaqiinsaday in isbedellada lagu sameyn doono horyaalka Premier League ay ka mid yihiin in laga nasto xilliga jiilaalka, taasoo uu aaminsan yahay inay ka caawin karto xulka qaranka Three Lions inay ku guuleysiga koobabka waa weyn kula tartamaan xulalka ugu xoogan kubadda cagta.

Marka loo fiirsho 53da horyaal ee dalalka Yurub, ayaa 37 ka mid ah laga nastaa horyaalladooda heerka koowaad waqtigaan jiilaalka, wuxuuna horyaalka Premier League ka mid yahay horyaallada aan laga nasan.