Home » Ciyaaraha » Iskaba dhaaf Vardy Kooxda Arsenal oo dalab ka gudbisay Riyad Mahrez

Iskaba dhaaf Vardy Kooxda Arsenal oo dalab ka gudbisay Riyad Mahrez
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 6:29 AM

Kooxda Arsenal ayaa lasoo sheegayaa inay saaka xilli hore dalab rasmi ah ka gudbisatay wiilka garabka uga ciyaara kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez.

Laacibka heerka caalami ee xulka Algeria ayaa loo doortay wiilkii ugu fiicnaa horyaalka England xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyey inay markii ugu horaysay taariiqda ku guulaystaan Premier League.

Express ayaa saaka waxa uu leeyahay, Arsenal ayaa si rasmi ah ula kulantay wakiilo ka socda xiddigaan garabka ka ciyaara iyagoona kala xaajooday inay furan tahay inuu usoo dhaqaaqo waqooyiga London.

Arsenal ayaa sidoo kale qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxiixa Mahrez saaxiibkiis ee Vardy, kaas oo Gunners usoo socda, waloow haatan xooga yar oo hakad ah soo galay.