Home » Ciyaaraha » Isku Aadka Wareegga Quarter-finalka Euro 2016: Wax Walba Oo Aad Rabto Inaad Ka Ogaato Sida Waqtiga Iyo Meelaha Lagu Ciyaari Doono

Isku Aadka Wareegga Quarter-finalka Euro 2016: Wax Walba Oo Aad Rabto Inaad Ka Ogaato Sida Waqtiga Iyo Meelaha Lagu Ciyaari Doono
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:48 AM

Sideed xul ayaa isugu soo haray tartanka Euro 2016 ee ka soconaya dalka Faransiiska ka dib markii xalay oo Isniin aheyd tartanka laga saaray dalalka Spain iyo England.

Italy ayaa guuldarro 2-0 ah dhabarka u saartay xulka difaacanaya koobka ee Spain ciyaartii ka dhacday caasimadda Paris ka hor inta dalka yar ee Icelnad uusan ceebeysan xulka tababare Roy Hodgson ee England kuwaasoo ay 2-1 uga badiyeen ciyaar ka dhacday magaalada Nice.

Ka dib guulihii ay soo gaareen dalalka Poland, Wales iyo Portugal Sabtidii, oo lagu daray guulihii France, Germany iyo Belgium ee Axadii, isku aadka wareegga sideed dhammaadka Euro 2016 ayaa haatan dhammeystirmay.

Isku Aadka Wareega Quarter-finalka Euro 2016 Iyo Waqtiga Kulamadaan La Ciyaari Doono:

Khamiis, 30ka June – Ciyaarta Koowaad Ee Wareegga Quarter-finalka: Poland v Portugal (10pm XGA, Magaalada Marseille)

Jimco, 1da July – Ciyaarta Labaad Ee Wareegga Quarter-finalka: Wales v Belgium (10pm XGA, Magaalada Lille)

Sabti, 2da July – Ciyaarta Seddaxaad Ee Wareegga Quarter-finalka: Germany v Italy (10pm XGA, Magaalada Bordeaux)

Axad, 3da July – Ciyaarta Afaraad Ee Wareegga Quarter-finalka: France v Iceland (10pm XGA, Magaalada St-Denis)

Soo guuleysteyaasha kulanka Poland iyo Portugal ayaa la ciyaari doona xulkii guushu soo raacdo Wales ama Belgium ciyaartaas oo habeen Arbaco ah 6da bisha soo aadan ee July ka dhici doonta magaalada Lyon, waxaana la ciyaari doonaa 10pm xilliga geeska Africa.

Germany ama Italy ayaana foodda dari doona midkood France ama Iceland ciyaartaas oo 7da bisha soo aadan July ka dhici doonta magaalada Marseille 10pm xilliga geeska Africa ayaana la daawand doonaa.

Finalka Euro 2016 ayaa ka dhici doona caasimadda Faransiiska ee Paris habeen Axad ah 10ka bisha soo aadan ee July waxayna ciyaartaasi soo dhici doontaa 10pm xilliga geeska Africa.