Home » Ciyaaraha » Italy Oo Xaqiijisatay Kaalinta 1aad Ee Group E Ka Dib Guushii Belgium Ay Ka Gaartay Ireland Laakiin Xulkee Ayay La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka?

Italy Oo Xaqiijisatay Kaalinta 1aad Ee Group E Ka Dib Guushii Belgium Ay Ka Gaartay Ireland Laakiin Xulkee Ayay La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 3:50 PM

Italy ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxeyso kaalinta koowaad ee Group E, waxaana ay la wareega 16ka la ciyaari doonaan xulka kaalinta labaad kaga dhameysta Group D iyadoo kulankaas lagu ciyaari doono magaalada Paris 27ka bisha Juun.

Xulka Azzurri ayaa xaqiijistay booskooda kaalinta koowaad ee group-ka ka dib markii ay guulo ka gaareen Belgium iyo Sweden halka maanta ay xulka Red Devils 3-0 kaga badiyeen Jamhuuriyada Ireland.

Taasoo la micno ah in Italy oo rikoor fiican oo kulamada waji ka wajiga ah heysata inaan lagu soo qaban karin hogaanka Group E. Waa markii ugu horeysay ee ay Italy kaalinta koowaad kaga dhameystaan group-kooda tan iyo Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadii 2006.

 

Xulka Antonio Conte ayaana wajihi doona xulka kaalinta labaad kaga dhameysta Group D iyagoo ku kulmi doona Stade de France ee magaalada Paris.

Sida ay haatan kala sareynta tahay, xulkaas waxaa noqon kara Croatia kuwaasoo afar dhibcood leh islamarkaana ka danbeeya xulka Group D lix dhibcood ku hogaaminaya ee Spain.

Si kastaba, Czech Republic ayaa weli fursad u heysata inay booskaas soo gasho gaar ahaan haddii Croatia lagu ciqaabo rabashadihii ay jamaahiirtooda geysteen xalayto.

Croatia ayaa kulankooda ugu danbeeya ee group-ka waxa ay wajihi doonaan Spain laakiin Mario Mandzukic iyo Luka Modric ayaa taam ahaanshahooda shaki ku jiraa.