Home » Ciyaaraha » James oo cusbo u yeelay wararka la xiriirinayo kooxda Manchester xilli uu bilaabay inuu guri ka raadsado

James oo cusbo u yeelay wararka la xiriirinayo kooxda Manchester xilli uu bilaabay inuu guri ka raadsado
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 10:28 AM

James Rodriguez ayaa bilaabaya inuu guri uu dego ka raadsado magaalada Manchester iyadoo wararka xanta ah ay sheegayaan inay saxiixiisa xiiso u qabto kooxda Manchester United, sida laga soo xigtay shabakadda Don Balon.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia ayaa lagu soo waramayaa inuu kireynayo gurigiisa uu ku leeyahay caasimadda dalka Spain ee Madrid wuxuuna haatan guri cusub ka raadsanayaa isla goobta uu dhowaan daarta ka iibsaday tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho.

Mourinho iyo James ayaa wadaaga hal wakiil, waana ninka caanka ah ee reer Portugal Jorge Mendes kaasoo lagu tilmaamo wakiilka ugu awoodda badan kubadda cagta, Mendes ayaana kala xaajoonaya madaxda Man United suurtogalnimada ay xagaagaan kula wareegi karaan 24 sanno jirkaan kubadsameeyaha ah.

Mourinho ayaa la fahamsan yahay inuu ku wargeliyey Man United inuu James fure u yahay guulihiisa suuqa kala iibsiga ee xagaagaan, wararka ayaana sheegaya inay haatan soconayaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.