Home » Ciyaaraha » James Rodriguez oo amaanay geesiga reer Colombia David Ospina

James Rodriguez oo amaanay geesiga reer Colombia David Ospina
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:47 AM

James Rodriguez ayaa shaaciyay in geesiga reer Colombia David Ospina uu yahay goolhaye uu aad u jecel yahay islmarkaana uu ku faano, kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay in ay garaacaan Peru si ay semifinal-ka Copa America Centenario u tiigsadaan.

Ospina ayaa badbaadiyay rigooradii Miguel Trauco waxaana uu sheegay inuu yahay goolhaye cajiib ah islamarkaana uu ku faano.

Goolhayaha Arsenal ayaa sidoo kale badbaadiyay gool madax ah daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta kaas oo uu ka badbaadiyay  Christian Ramos.

Xiddiga Real Madrid James, oo qaba gabadha la dhalatay Ospina ee Daniela, ayaa si aad ah u amaanay ninka ay isku xulka yihiin:

“waa mid weyn isaga, waxaan rajeynayaa in kaalin farabadan uu isaga kasii qaadan doono,” sidaas ayuu saxaafada u sheegay. “waan jeclahay. waan ogahay in uu sameeyay badbaadin farabadan. waxaan filayaa inuu yahay midka inoogu fiican.”