Home » Ciyaaraha » Jamie Vardy oo ku dhaw inuu dhabarka xijiyo kooxda sida ba’an u dooneysa ee Arsenal xilli uu doorbiday inuu

Jamie Vardy oo ku dhaw inuu dhabarka xijiyo kooxda sida ba’an u dooneysa ee Arsenal xilli uu doorbiday inuu
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 12:10 PM

Weeraryahanka xulka qaranka England Jamie Vardy ayaa iska diiday Arsenal isagoo ogolaaday inuu afar sano heshiis ah u saxiixo kooxdiisa Leicester City wuxuuna todobaadkii qaadan doonaa xidigaan heerka caalami 100,000 kun Pound.

Gunners ayaa isku diyaarineysay iney 20 Malyan Oo Pound kula wareegto Jamie Vardy, taasoo aheyd lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa, balse haatan waa soo dhamaadeen wax walba madama 29-jirkaan heerka caalami uu go’aansaday inuu iska diido sheekada Arsenal isla markaana uu baaqi kusii ahaado difaacdayaasha horyaalka Prmeier League.

“Leicester City waxey wakiilka Jamie Vardy kula heshiisay in xidiga reer England uu kordhiyo qandaraaska uu ku joogo kooxda difaacaneysa horyaalka isagoo afar sano saxiixi doona” Ayey u qorneed warbixin si rasmi ah uga soo baxday kooxda Leicester.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in heshiiska lagu dhawaaqi doono dhawaan, si loo soo dhameeyo wararka xanta ah ee la xiriira mustaqbalka Jamie Vardy.