Home » Ciyaaraha » Jaraaidka Marca oo Manta Bogga Horay ku Shaaciyay Cida oo safka Real Madrid ku Xoojin Rabo Macalin Zidane , Ayuu Dalbaday?

Jaraaidka Marca oo Manta Bogga Horay ku Shaaciyay Cida oo safka Real Madrid ku Xoojin Rabo Macalin Zidane , Ayuu Dalbaday?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 7:47 AM

Sida ay qortay jariiradda Marca ee Spain kasoo baxda tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa u sheegay maamulka Los Blancos iney xagaagan soo xerogaliyaan burburiyaha reer France ee kooxda Leicester City N’Golo Kante.

warbixinta ayaa intaas ku dareysa in tababare Zidane uu u arko heysashada hal burburiye oo Casemiro ah ay kooxda qatar ku tahay wuxuuna doonayaa inuu kooxda xoojiyo isagoo soo xerogalinaya N’Golo Kante oo haatan ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dhanka khadka dhexe qaaradda yurub.

Kante, kaas oo heshiiskiisa lagu heli karo 25 Malyan Oo Pound ayey kooxda boqortooyada daba ordeysay tan iyo bishii January, balse marka uu suuqa furmo ayey xooga saari doontaa arintiisa.

25-jirkaan heerka caalami wuxuu Leicester City kaga soo biiray xagaagii lasoo dhaafay kooxda reer France ee Caen, wuxuuna la qaatay xili ciyaareed cajiib ah isagoo u hogaamiyay iney si layaab leh ku hanato horyaalka Premier League, ogowna inuu King Power Stadium ku yimid kaliya 8 Malyan Oo Pound.