Home » Ciyaaraha » Jose Gimenez oo shaaciyay inuusan waxba kala socon wadahadalada Real Madrid

Jose Gimenez oo shaaciyay inuusan waxba kala socon wadahadalada Real Madrid
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 7:05 AM

Kooxda Real Madrid ayaa lala xiriiriyay daafaca 21 jirka ah ee kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Uruguay Jose Giménez kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Qaar kamid ah saxaafada dalka Spain ayaa baahiyay in Real Madrid ay wadahadalo la yeelatay Jose Giménez si uu ugu biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laakiin Jose Giménez ayaa beeniyay inuu wadahadal la yeeshay kooxda boqortooyada Spain oo aad u doonaysa saxiixiisa.

“Waxaan ixtiraamayaa heshiiskayga Atletico Madrid, waxbana kama ogi wadahadalada Real Madrid” ayuu u sheegay Wargayska Mundo Deportivo.

Laacibka ayaa sheegay inuusan isku mashquulinayn hadalada saxaafada wuxuuna intaa ku daray inuu xooga saarayo sidii uu ugu raaxaysan lahaa fasixiisa.