Home » Ciyaaraha » Jose La’aantiisa Uusan Premier League Xaraarad Laheyd ”David Beckham

Jose La’aantiisa Uusan Premier League Xaraarad Laheyd ”David Beckham
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 7:38 AM

David Beckham ayaa amaanay magacaabista Jose Mourinho ee shaqada macalinimo ee Manchester United isagoo sheegay inuusan sugi karin inuu arko Special One oo dhex taagan garoonka Old Trafford dugout.

Macalinkii hore ee ayaa shaqada kala wareegay macalinkii la ceyriyay ee Louis van Gaal wuxuuna haatan si rasmi ah u yahay macalinka garoonka masraxa riyooyinka wuxuuna Beckham sheegay inuu imaan doono garoonka kulanka ugu horeeya ee maclainkaan.

Isagoo la hadlayay JW3 oo ah xaflad ay dhigtaan yahuuda kulan ka dhaca waqooyiga London ayuu ku yiri Beckham “Waxaan filayaa iney tahay mid saxan.”

 

“Keena Jose, waa macalin aan jeclahay, in lagu soo celiyo Premier League waa loo baahnaa, waa wax ka duwan marka uu ka maqan yahay, ma sugi karo inaan arko, waxaan kaliya rajeynayaa inaan kulankiisa koowaad joogo garoonka”.

Kulanka ugu horeeya ee rasmiga ah ee Mourinho ayaa noqon doona kulanka Leicester ay kula ciyaarayaan Community Shield ee ka dhacaya Wembley halka kulamada Premier League lagu dhawaaqi doono maanta.