Home » Ciyaaraha » Jose Mourinho oo doonayo in Macalin Arsene Wenger ku xumeeyey xilli uu 50 Milyan ku doonayo ciyaaryahan

Jose Mourinho oo doonayo in Macalin Arsene Wenger ku xumeeyey xilli uu 50 Milyan ku doonayo ciyaaryahan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 12:02 PM

Tababaraha dhawaan galka ah ee kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa si layaab leh u bartilmaameed sanaya kubad sameeyaha kooxda Arsenal Aaron Ramsey xilli xidigaan heerka caalami ee xulka Wales lagu qiimeeyo aduun dhan 50 Malyan Oo Pound.

25-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ah ciyaartoyda wacdaraha ka dhigaya koobka qaramada qaaradda yurub ee haatan ka socda dalka France, wuxuuna doonayaa Mourinho inuu xidigaan ka dhigo Lampard-ka Manchester United.

Si kastaba xiriirka ka dhaxeeya labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal ayaan aheyn mid aad u xun marka la eego dhanka suuqa, balse sheekada ayaa xumaan karta madama Mourinho iyo Wenger xifaaltanka ka dhaxeeya uu wax walba sababi karo.

Dhanka kale Mourinho ayaa qarka u saaran inuu helo saxiixiisii labaad ee mudadiisa Manchester United madama uu ku dhaw yahay inuu helo 27-jirka hogaamiyaha xulka Armenia Mkhitaryan.

Manchester United iyo Dortmund ayaa meel wacan wax marsiinaya waxaana suuragal ah in xidigaan heerka caalami uu xirto maaliyadda Red Devils marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.