Home » Ciyaaraha » Jose Mourinho oo ka Xumaaday Zlatan Ibrahimovic oo diidey in uu duulo England

Jose Mourinho oo ka Xumaaday Zlatan Ibrahimovic oo diidey in uu duulo England
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 1:05 AM

Macalinka Cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa lasheegayaa in uu ka xumaaday ka dib markii Weeraryaahnka dalka Sweden ee  Zlatan Ibrahimovic uu diidey in uu diyaarad qaas ah ku tago dalka England si loo dhameeyo heshiiska uu ugu biiriyo Man United.

Jose Mourinho ayaa bartiisa Instagramka Waxa uu soo dhigay Jimcihii in uu kayara niyad jabay Cayaaryaahnka  Zlatan Ibrahimovic kaas oo diidey in uu katago Xerada Tababarka dalkiisa si uu u Saxiixo heshiiska uu lagelayo Man United isaga oo yiri waxaan doonayey ka hor koobka yurub in aan soo afjarno Heshiiskiisa.

Mourinho ayaase Taageerayaasha Manchester United u sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen maalmihii lasoo dhaafay kadib markii la soo gaba gabeeyey heshiiska daafaca Wanaagasan ee Eric Bailly iyo Saxiixii heshiiska loogu kordhiyey Michael Carrick Warar kaloo Wanaagsana ay soo socdaan