Home » Ciyaaraha » Jose Mourinho oo wado qorshe uu kula soo wareegayo burburiyaha kooxda Blues ka Nemanja Matic

Jose Mourinho oo wado qorshe uu kula soo wareegayo burburiyaha kooxda Blues ka Nemanja Matic
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 19-06-16 11:01 AM

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lasoo tabinayaa inuu talaabo horey ugu qaaday sidii uu ku heli lahaa ciyaaryahanka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Chelsea Nemanja Matic xilli uu u soo bandhigay Blues ka daafaca reer Talyaani Matteo Darmian.

Tan iyo waagii loo magacaabay Jose jagada kooxda Man United waxaa isa soo tarayey warar la xiriirinayo xidiga qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Blues ka Matic, Sunday People ayaase qoreysay in Jose uu macalinka reer Talyaani Antoine Conte gacanta u gelin doono daafac reer Italy si uu ugula soo wareego Nemanja.

pecial One ayaana diyaar u ah inuu Darmian ka dhigto maqaalkii uu kusoo dabi lahaa Matic, tababaraha haatan ee xulka Italy Antonio Conte, oo xilli ciyaareedka soo aadan leylin doona Chelsea ayaa taageere weyn u ah daafacaan oo haatan boos joogto ah ka heysta xulkiisa Azzurri ee ciyaaraha tartanka Euro 2016.

Conte ayaana doonaya inuu 26 sanno jirkaan keeno kooxda ka dhisan Stamford Bridge xagaagaan, sannad ka dib markii ay kooxda ka dhisan Old Trafford adduun lacageed dhan 12 milyan oo ginni ugala soo wareegtay Torino. Si kastaba ha ahaatee, tababare Mourinho ayaa markaas heli doona fursad uu dib ugula midoobi karo Matic isagoo Blues hordhigaya qorshe ay isku dhaafsanayaan labadaan ciyaaryahan.

Dhanka kale, Mourinho ayaa durba xiriir la sameeyey ciyaartoyda Man United si uu ugu wargeliyo haddii ay xubin ka yihiin qorsheyaashiisa kooxda ee xilli ciyaareedka soo aadan. Majaladda Sunday People ayaana sheegaysa inuu shaki geliyey mustaqbalka afar xiddig waana Juan Mata, Marouane Fellaini, Morgan Schneiderlin iyo Memphis Depay.