Home » Ciyaaraha » Jose Mourinho oo Xalay daawanayey kulankii dalkiisa iyo England laakiin Waxa uu ku Farxay?Sawiro

Jose Mourinho oo Xalay daawanayey kulankii dalkiisa iyo England laakiin Waxa uu ku Farxay?Sawiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:59 AM

Macalinka Cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa daawaday Cayaartii Saaxiibtinimo ee ay wada dheeleen dalka uu u dhashay ee Portugal iyo England balse Sababta ugu weyn ee uu Cayaartaas u daawaday ayaa ahayd sida uu sheegay in uu arko sida ay u dheelayeen Xidigaha Man United ee kala ah Rooney iyo Chris Smalling.

Jose Mourinho ayaa indhihiisa ku arkay Goolkii u Horeeyey ee Man United dhaliso Tan iyo Markii loo magacaabay Naadigaas waxaana dhaliyey daafaca dalka England ee Chris Smalling aad ayuuna ugu dhoola Cadeeyey Goolkaas oo dalkiisa laga dhaliyey.

Ninkaan u dhashay dalka Portugal ayaa waxa uu doonayaan in uu dhiso Naadi u dheeli karaya qaabka uu doonayo waxaana Jirta in shaki aad u badan lagelinayo mustaqbalka Cayaartoy badan oo Man United Joogta hada.

International friendly, England v Portugal 02/06/16: Picture; Kevin Quigley/Daily Mail Jose Mourinho

2 3