Home » Ciyaaraha » Jose oo lasoo baxay dabeecad ka duwan midii lagu yaqaanay xilli uu badbaadiyey mustaqbalka…

Jose oo lasoo baxay dabeecad ka duwan midii lagu yaqaanay xilli uu badbaadiyey mustaqbalka…
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 14-06-16 11:27 AM

Michael Carrick ayaa lagu soo waramayaa inay dhammaatay xirfaddiisii kooxda Manchester United markii uu tababaraha reer Holland Louis van Gaal u sheegay in uusan kooxda sii joogi doonin xilli ciyaareedka soo aadan Isbuuc ka hor inta aan tababaraha qudhiisa laga raacdeyn kooxda ka dhisan Old Trafford.

34 sanno jirkaan ayaa kooxda u saxiixay qandaraas cusub oo hal sanno ah ka dib markii uu tababare Jose Mourinho u caddeeyey madaxda Man United inuu doonayo inuu khabiirka reer England kusii heysto Theatre of Dreams.

Carrick ayaa yimid kooxda ka dhisan Old Trafford sannadkii 2006dii markaasoo ay adduun lacageed dhan 18.6 milyan oo ginni ugala soo wareegtay kooxda Tottenham, wuxuuna kula guuleystay shan horyaal oo England Premier League ah iyo hal UEFA Champions Leaue intii uu joogay kooxda ka dhisan Waqooyi Galbeed dalka England.

Xiddiga qadka dhexe ee ku dhashay magaalada Newcastle ayaa halbowle u ahaa Man United intii uu joogay Van Gaal, laakiin shabakadda ESPN ayaa sheegeysa inuu tababaraha reer Holland ku wargeliyey Carrick inuu isku diyaariyo ciyaarista kulankiisii ugu dambeeyey ee kooxda ka hor inta aysan guul 2-1 ah ka gaarin Crystal Palace finalkii FA Cup ee ka dhacay garoonka Wembley Stadium, balse taasi ma dhicin, Van Gaal ayuuna kulankaasi u noqday midkiisii ugu dambeeyey ee Red Devils.

64 sanno jirkaan ayaa sida iska cad qabay aragti ah inuu sii joogi doono kooxda isla markaana uu dhammeysan doono sannadka seddaxaad ee qandaraaskiisa laakiin shabaqa ayaa laga raacdeeyey, imaanshiyihii Mourinho ayaana keenay inuu Carrick helo fursad kale oo uu ugu yaraan hal sanno oo kale kusii joogo Red Devils.