Home » Ciyaaraha » Juventus Oo Bedelka Alvaro Morata Ka Heshay Arsenal Iyagoo Xiriir La Sameeyay Alexis Sanchez.

Juventus Oo Bedelka Alvaro Morata Ka Heshay Arsenal Iyagoo Xiriir La Sameeyay Alexis Sanchez.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 4:12 PM

Juventus ayaa diirada saaratay xiddiga kooxda Arsenal Alexis Sanchez iyagoo u arka bedelka Alvaro Morata, sida ay sheegtay Telelombardia.

Kooxda Bianconeri ayaa u muuqata mid waayi doonta Morata iyadoo Real Madrid ay dib ugu iibsan karto 30 milyan euro.

Sida ay sheegay Telelombardia Juventus ayaa durbaba u dhawaatay wakiil Fernando Felicevich si ay u weydiiyaan xaalada Alexis Sanchez.

Waxa ay u soo bandhigi doonaan qandaraas uu sannadkii ku qaadanayo 4.2 milyan euro ka dib canshuurta.

 

27 jirka reer Chile ayaa ka cabanayay bilowgii xagaaga koobab la’aanta ku heysata Arsenal gaar ahaa dhibaatooyinka ay ku wajahaan Champions League.

Sanchez waa xiddig yaqaana Serie A isagoo magac ku sameystay kooxda Udinese ka hor inta uusan u wareegin Barcelona halkaasoo uu kaga sii biiray Arsenal.

Juventus ayaana waqtigaas la socotay xaaladiisa laakiin ma aysan awoodin waqtigaas inay dagaal lacageed la gasho Barcelona.

Gunners ayaa weli ku qiimeyneysa Sanchez adduun lacageed oo gaaraya 55 milyan euro, waxaana uu koxoda qandaraas kula jiraa ilaa iyo bisha Juun 2018.

Waxa uu dhaliyay 17 gool 41 kulan uu u saftay Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday isagoo sidoo kale caawiye ka ahaa 11 gool kale.